Daawo: In ka badan 20-Tikniko ah oo galbineysa Masuuliyiinta Maamulka Shabelle State oo gaaray Magaalada Marka

Wednesday, June 18, 20140 comments

Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/Hoose waxaa maalintii shalay markii ugu horeesay gaaray Masuuliyiin katirsan Maamulka Shabelle State uu hogaaminayay Madaxweynaha Maamulkaasi Abukar Mardaadi .

Masuuliyiinta Maamulka Shabeelle State ayaa tagay deegaano badan oo katirsan Gobolka Sh/Hoose ay ku jirto Magaalo Madaxda Gobolkaasi Marka Cadey , waxaana Masuuliyiinta Maamulka Shabeelle State si diiran loogu soo dhaweeyay deegaanadii ay tageen.

Sida ay noo xaqiijiyeen dad ku suugna Gobolka Shabeelaha Hoose Masuuliyiinta Maamulka Shabelle State ee gaaray Gobolkaasi waxaa galbinayay in ka badan 20-tikniko ah , waxa ayna socod ku mareen deegaano katirsan Gobolkaasi.

Xubnaha Maamulka Shabelle State ee gaaray Magaakada Marka waxaa kujira xubno kamid ah Gudoomiyaashii Degmooyinka gobolka Banaadir kuwaa oo qaarkood loo magacaabayo Wasiiro katirsan Maamulkaasi.

Booqashada ay Magaalada Marka iyo deegaano kale ku tageen Maamulka Shabelle State ayaa imaanaysa xili Magaalada Marka iyo deegaano hoostaga ay ka dhaceen dagaalo u dhaxeeyay labo beel oo wada daga , waxa uuna Maamulkan uu balanqaaday in uu gacan ka geesan doono xalinta Colaadaasi.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog