Jawigu aad buu u kacsanaa waxaa socotay dabeyl aad u xoogan, dabeysha xowligeeda waxey sababtay shimbiraha duulayo xattaa ineey duuli waayaan oo ayaga naftooda aay gabaad ka soo raadsadaan dhulka, circa waxa isku shareeray uurada ciida iyo laamayeeriyaashii guryaha qaarkood oo aay dabeysha inta aay u xoog sheegatay si fudud ku qaaday.
Anigoo dabeysha ka yaaban ayaan waxaan soo hoos galay guri si aan dabeysha halkaasi ugu gabaadsado, waxaan meeshii ku jiraba markaan isdhahay dhaqaaq ayaan waxaan arkay gabadh dabeyshii ku dhajisay dharka oo si aay xabadka u qarsato inta gacmaha jalbaabka aay wadatay hoos kazoo gelisay misana hora usoo riixeyso dharkii aay wadatay.
Gabadhii markeey aragtay ineysan ku socon Karin dabeysha ayey halkii aan ku jiray ila soo gashay, meeshii ayaa sheeko yar nagu dhex martay magacaa iyo ,magacaaa, halkee degantahay iyo halkee degantahay, ugu danbeyntii waan isfahanay, yaan war kugu daalininee gabadhii waxaa na dhex maray xiriir mudo soo jiitamayay waxey ii jeclaatay sida hooyo aay u jeceshahay ubadkeeda, waxaad moodaa iney igu korisay fiiro naxariis leh taasoo si toos ah u abaartay wadnaheyga.
Gabadhii waxaan xiriir lahaanaba ugu danbeyntii cideeda ayaan ka doontay waan is guursanay, waxaan 3 sano is qabnaba gabadhii wax uur ah waa ii yeelan waaysay, waalidkeey arintaasi waa u cuntami waaysay, markaan ka diiday waxey igu yiraahdeen waxaad sameysaa adigoo qabo xattaaa gabar kale guurso oo hadii aad xaaskaaga jeceshahay ha iska furin hadaad doonto,.
Xaaskeyga arintii ayaan u bandhigay waxey ka qaaday qaracan iyo ineey si joogto ah waqti walbo u fikirto waxey idhahday aad baan kuu jeclahay intaad naag kale guursan aniga gacantaada igu dil kadib iska guurso madoonayo inaan arko ninkeyga oo habeen iga maqan habeena ii imaanayo.
Waxaan kusoo noqday waalidkeey oo aan u sheegay arintii balse waa aay iga diideen, markii danbe ayaan si qarsoodi ah oo aaysan ogeyn xaaskeyga u mehersaday gabar kale, arin qarsameyso maahan waxaan xaaskeyga ka qariyaba ugu danbeyntii waa aay ogaatay, inaan xaas kale guursaday mudo laga joogo labo isbuuc keliya.
Xaaskeygii hore waxey u maseyrtay si aan ebid loo maseerin taasina waxey sababtay ineey ka suurtoowdo wax aan qof bini aaadam ah kasuuroobi Karin, waxey u tagtay nin sixiroow ah waxey ku tiri waxaan doonayaa ninkeyga inaaad iisixirto oo aad kadhigto nin aan kacsaneyn keliya inuu aniga ii kacsado lee kadhig, hadii aay suuroobi waaysana inuusan ebid xattaa kacsan wallaa aniga sidaas iigu sixir.
Waxey ku bixisay juhdi badan in leey sixro, ugu danbeyntii weey ku guuleysatay markii hore anigu ma ogeyn xaaskeygii danbe u tag markaan maagay wax ii kaco iska daaye marka hadal sariir na dhex maro waxaan gaaray inaan dhibsado.
Xaaskeygii koowaad markii aay iisheegtay ineey ayada sidaas sameysay oo aan xaqiiqsaday waan iska furay gabadhii labaadna waan furay sidii ayaan xaas la’aan ku noqday, mudo markii aan joogay oo aan wax kacsi ah laheyn ayaan shukaansaday gabar wadaad oo ahlu diin ah.
Gabadhii kama qarin xaalada aan ku suganahay, markaan runta usheegay waxey igula talisay inaan quraan isa saaro, 3 habeen markuu quraanka iisocday ayey ii imaatay waxey igu tidhi diyaar matahay waanu aqal galeynaaaa, anigoo cabsanayo ayaan aqal galnay balse 3dii habeen ee quraanka waxey iisoo celiyeen awoodeydii iyo awood kasareyso oo ilaah baan u mahad naqay kun jeer, isla bishii horana waxeyba ii qaaday uur kurbadiii iyo welwelkii waa idaayay.
Waxaan jecleystay walalalheyga soomaaliyeed inaan qisadeydaas gaabneyd lawadaago kulana dardaarmo dhibkasto inuu quraanka kareemka ahi daawo u yahay.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com