Gudoomiyaha Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/Hoose Maxamed Cusmaan Yariisow ayaa diiday in uu la kulmo wafdi Wasiiro iyo xildhibaano ah oo kusugan Magaalada Marka, kuwaa oo loogu tala galay xal ka gaarida dagaaladii halkaasi ka dhacay.
Mr Yariisow ayaa sheegay in uusan xiligan diyaar u aheyn la kulanka xubnaha dowlada usoo dirtay Magaalada Marka, waa uuna tilmaamay in Magaaladii uu Gudoomiyaha ka ahaa laga saaray ayna la wareegeen Kooxo kale.
Gudoomiyaha Magaalada Marka ayaana shuruud uga dhigay in wadahadal ay galaan in marka hore Magaalada Marka iyo deegaanadii kale ee laga qabsaday laga saaro Maleeshiyo beeleedkii ay la dagaaleen .
Magaalada Marka waxaa shalay waxaa gaaray Xubno Dowlada u dirtay uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya , waxa ayna xubnahan kulamo kala duwan la qaateen Odayaal dhaqmeed iyo xubno kale oo kusugan Marka iyo Deegaano kale.
Dhinacyadii ku dagaalamay Magaalada Marka iyo Deegaano kale ayaa labaduba waxa ay eedeeyn usoo jeediyeen Guddiga Dowladu u dirtay Magaalada Marka , waxa ayna labada dhinac mid walbo uu ku andacoonayaa in laga eexday oo Dowladu dhinaca kale la jirsatay.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com