Khilaafkii Madaxweynaha iyo Ra'isulwasaaraha oo cirka isku shareeray-Wasiirada seefta dulsaaran tahay?

Tuesday, June 3, 20140 comments

Khilaafkii Madaxweynaha iyo Ra'isulwasaaraha Somalia ayaa cirka isku shareeray kadib markii uu Cabdiwali Sheekh Ahmed ku adkeeystay inuusan isku shaandheeynta golahiisa cusub ee Wasiirada ku soo diri doonin kuwa taabacsan Madaxweynaha.

Shaqsiyaadka uu Madaxweynaha codsaday ee Ra’isulwasaare Cabdiwali diiday inuu ku soo daro liiska golahiisa Wasiirada cusub waxaa ka mida:-

1- Wasiirka Arrimaha gudaha Cabdullahi Goodax Barre
2-Wasiirka Garsoorka iyo Federalka Faarax Cabduqadir
3- Wasiirka Macdanta Daud Bisle
4-Wasiirka Duulista iyo gaadiidka hawada Saciid Qoorsheel
5-Wasiirkii hore ee Amniga Qaranka Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Madaxweyne Garguurte ayaa Ra’isulwasaare Yuulka ka aqbalay inuu liiska cusub ee isku shaandheeynta golaha Wasiirada Xukumadda ka reebo Daud Bisle,Saciid Qoorsheel iyo Cabdullahi Goodax Barre hasse yeeshee wuxuu ka codsaday inuu golahiisa ku soo diro Faarax Cabduqadir iyo Cabdikariim Guuleed.

Ra’isulwasaaraha ayaa kitaab ka maray inuu golahiisa cusub ku soo daro Cabdikariim iyo Faarax sida uu Madaxweynaha maanta u sheegay Xildhibaanimadii Hawiye ee qada sharafta uu Villa Somalia ugu sameeyay.

Madaxweyne Garguurte wuxuu Xildhibaanada beeshiisa ugu xog waramay inay guud ahaan istaagtay shaqadii Dowladda uuna Ra’isulwasaaraha damacsan yahay inuu ku dhawaaqo Xukumad cusub oo aan tixgelin lagu siin.

Lama oga sida xaalku noqon doono hasse yeeshee wuxuu Ra’isulwasaaraha ku adkeeysanayaa inuu si degdega ugu dhawaaqi doono golahiisa Wasiirada cusub.

Fiiro gaara: Warbixintaan xasaasiga oo ka dhigan Xooraansi Sirdoon iyo xigashooyin qayaxan,waxaan akhristayaasha dib u xasuusin doonaa marka Ra’isulwasaaraha si rasmiya ugu dhawaaqo Gole aysan ka soo dhexmuuqan dhamaantood.

By Dahir Alasow











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog