Wariye Soomaaliyeed oo Markii ugu horeysay Wareystay Ciyaartoy dunida Caan ka ah (Daawo Sawirada).

Thursday, June 5, 20140 comments

Wariyihii ugu horeyay ee Soomaali ah Taariikda inta la ogyahay ayaa waxaa uu la kulmay Ciyaartoy caan ka ah Dunida Kuwaasi oo uu kula kulmaya Magaalada Rotodam ee Wadanka Holland isagoona Wareysiyo la yeeshay .

Wariye Bile Gurxan Ahmed oo ah Rugcadaa Saxaafadeed oo mudo ka soo shaqeeyay qeybaha warbaahinta kala duwan ee Soomaaliya hadana ku nool wadanka Holland ayaa waraystay Ciyaaryahano waaweyn oo ay ka mid yihiin,Arjen Roben oo u safta Xulka Wadanka Holland una ciyaara sidoo kale Kooxda weyn ee Bayermunich ee haysta Horyaalka Jarmarlka,waxuu kaloo waraystay ciyaaryahan kllaas Jan Huntelaar oo isna u safta Xulka Holland iyo waliba Kooxda Schalke04 ee isla wadanka Jarmalka,waxuu kaloo la kulmay ciyaaryanahada kala ah Van Prise oo isna u ciyaara xulka Holland iyo kooxda Man United ee Dalka Ingiriiska.

Sidoo kale waxuu iyana uu la kulmay Ciyaaryahanada, kala ah Sulley Ali Muntari oo u ciyaara Xulka Ghana iyo Kooxda AC Milan ee ka dhisan wadanka Talyaaniga Sidoo kale Asmo Gyan oo isn a Ghana u safta iyo waliba Kooxda Al -ceyn ee ka dhisan wadanka Imaaraadka Carabta,Asamowa oo isna qaranka Ghana u ciyaara iyo Kooxda weyn ee lagu magacaabo Cajusada ee Juventus ee wadanka Talyaaniga, Sidoo kale waxaan isna u la kulmay Micheal Essien oo isna u dheela kooxda AC Milan,waxuu kaloo la kulmay Golhayaha Qaranka Ghana iyo Tababaraha Qaranka Ghana.

Labadan xul ee Holland oo kuwada Ciyaarayay Garoonka lagu magacaabo De Kuip ee ay leyihiin Kooxda Feyenoord ee horyaalka wadanka Holland ka ciyaarta,kana dhisan Magaalada Rotterdam ayaa waxaa ay ku dhamaatay 1-0 oo ay ku badisay Kooxda Holland waxaana goolka u dhaliyey holland Van Persie .

Bile Gurxan ayaa sheegay in kastoo uusan aheyn wariye Sporti oo u badan yahay siyaasada iyo arimaha kale ay hadana ku guleystay inuu fursad u helo la kulanka ciyaartoydan caalmiga ah u waraysto taasna waxy marqaati ka tahay in wariyahu u isku dayo inuu soo tabiyo baahida bulshadiisa ‘aniga Jaanis ayey ii aheyd inaan ciyaartoydan caanka ah aan la kulmo aana waraysto wayo wariye Soomaaliyeed oo jaaniskaan oo kale helay malahan, hadana waxaa kaloo ku faraxsanahay inaan ciyaartoydaan baro warbaahinta Soomaalida inay arkaan hadii ay hooray ay u waraysan jireen kuwaa waaweyn ee reer galbeedka ee lacagta badan haysta” ayuu yiri Bile Gurhan.

Runtii ciyaartoyda isku mid maahan sida dada ay u kala dabeecad duwanyihin ayay iyaguna la mid yihiin markaan galay qolka qaaska ee saxaafada waxaa iga yeelay inaan waraysto Arjen Robin oo markaan ku iri Tv Soomaali ah ayaan ka socdaa waa uu i soo dhaweyay welcome ayuu iyiri lakiin waxuu ii sheegay inuu waqtigu ku yaryahay lakiin waa uu ilahadalay .

Huntelaar isna waa isoo dhaweeyay oo waraysi waa iga yeelay balse Wesley Sneijder waa ii diiday inuu waraysi isiiyo halka Van Prise uu isagu saxaafada dhan ka cudurdaartay maadaama uu ka baqayay in la waydiiyo malaclinka Qaranka ee Luwis van Gal ,wax laga weydiyo Gaar ahaan Kooxda Manchester United.

Dhanka kale ciyaartoyda reer Ghana waxaan ku kulanay qeybta Tababarka Garoonka iyo waliba Hotelka ay ka deganyihiin Magaalada Rotterdam,run ahaantii hadii aan idin ka sheekeeyo hab dhaqanka ciyaartoyda waxay la mid yihin dadka caadiga ah,howsha ay ku jiraana waa shaqo camal waayo waxaa aad u koontaroola


dada kooxda u sheqeeya oo aan ogaleyn inay dad arkaan wajigooda ayaa la gadaa,waxayna ku sheegayaan inay rabaan inay dadka dhexgalaan laakin waxaa loo sheegay inaysan dad qaabili karin inay fasax helaan maahane ciyaartoy kasta markaan u tagay fasax ayaan waydisanayay si aan ulahadlo.

Hadaba labada kooxood ee Aan ciyaartoydooda la kulmay waxy ka midyihiin kooxha aduunka ugu waaweyn waayo Ghana waa mid ka mida xululka Africa ugu fiican halka Holland ay ka mid tahay kuwa ugu wanaagsan qaarada yurub waayo koobkii hore ee Aduunka final ayey tagtay.



















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog