Qalbiya badan oo dumar ah ayeey ka dhex guuxayaan mowjado cuqdadeed oo ay u qaadeen ragga SHABEEL NAAGOODKA AH ee aan ku xasilin goob qura, ragaasoo diyaaradaha duulimaadka ay duuliyaha ka yihiin ku dul dajiya garoon walba oo ay is dhihi karaan waad ka heli kareysaan habla qurux badan, waxa ayna ragani sameeyaan xulasho ay naftooda ku qancinayaan si dunidan maalmaha kooban ah ugu tamashleeyaan, hayeeshee Habla farabadan oo alle qurux u hibeyay ayaa warwar ka muujiyay RAGGA SHBEEL NAAGOODKA AH.
Sahra Cali Cosoble oo kamid ah hablaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka sweden kana mid ah aqristayaasha sida joogtada ah ugu tixan shabakaddaan ayaa iyada oo ka hadleysa Ragga shabeel naagoodka ah waxa ay tiri:-” waa bahalo ragaas looga caalwaayay ineey hablaha sida dharka oo kale isaga badalaan iayaga oo kala qarinaya, midda ay u tagaana waxa ay dhagta ugu sheegaan in iyada kaliya ay tahay midda la jecel yahay ee uu waqtigu saaciday,,.
Maxamuud Maxamed waxa uu ka mid yahay Ragga qaxooti ahaanta mudda u joogay Dalka Denmark ” waxa uuna ii sheegay in ragga shabeel naagoodka ah ay jiraan balse aysan badneyn waxaana tala ahaan usoo jeedinayaa ayuu yiri maxamuud in ragaasi kubadda dajiyaan Maxaa yeelay gabari waa ay la dhalatay, wey dhashay, waa eyna u dhixi doontaa”.
Hadaba Ragga shabeel naagoodka ah oo maanta qormadooda saalada qaliinka noo saaran tahay ayaa marka ay meel isugu yimaadaan waxa ay falanqeyn ku sameeyaan weerarada joogtada ah ee ey qaadaan, iyada oo aad moodda iney isugu faanayaan Dhagartooda, bal ila fiiri ragan sida ay isugu faanayaan.
=Ani waxaan soo bartay gabar dheer oo Joog iyo jamaal u dhalatay.
=Saaxiib taada maxey sheegeysaa anaa kaa sita oo waxaan soo bartay Gabar ilkaheeda casaan yihiin oo wixi dhuunteedu maraan aad indhahaada ku dheehan kartid.
=saaxiibayaal labadiinaba anaa idinka sita oo waxaan xiriir jacayl la leeyahay Gabar Dhuuban oo aadanba ka aqoon Gabdhaha loogu tala galay ineey dharka xayeysiiyaan.
Guntii iyo gabagabadii waxaanu leenahay Raga caadada ka yeeshey ineey dumarka ku ciyaaraan ha ogaadeen in ay jiri doonta maalin iyagana laga aar gudan doono.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
