Daawo Qax ka socda mid ka mid ah magaalooyinka ugu caansan Yurub & Taangiyo fara badan oo ku soo wajahan

Wednesday, July 16, 20140 comments

Magaalada wax soo saarka badan ee Warshadaha badani ku yaalaan ee Donetsk ayaa waxaa iskaga qaxay inta badan shacabkii ku noolaa ka dib markii ay ka war heleen in dhankooda uu ku soo wajahan yahay dagaal culus oo dhiig badan uu ku daadan doono.

Magaalada Donetsk oo ku taala dalka Ukraine waxaa dhoor bilood ka hor si nabad ah kula wareegay maleeshiyaad falaago ah oo sheegay inay dalka Ukraine intiisa kale ka go´een kuwaas oo loogu yeero (Separatisten) ama la magac baxay The Donetsk People's Republic (DPR) .

Ciidamada Milatariga Ukraine oo Wadaniyiin Calankooda jecel la magac baxay ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxay maleeshiyaadkaan kala wareegeen magaalooyin caan ah balse iminka waxeey wax yar u jiraan magaalada Donetsk oo ay degan yihiin dadka dhaqaalaha leh ee u dhashay dalka Ukraine.

Dowlada Ruushka ayaa lagu eedeeyay inay soo hubeeneyso maleeshiyaadka goostay ee (DPR) oo iminka ku harsan kaliyah Magaalooyinka Donetsk iyo Luhansky. Taangiyo iyo Beebeyaal aad u fara badan ayaa ku sii siqaya magaalada Donetsk waxaana magaaladaan iskaga qaxay oo dhanka Ruushka u baxsaday dad tiradooda lagu sheegay in ka badan 70.000 oo qof.















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog