Shacabka Muslimiinta ah iyo Jaaliyadda Sooaaliyeed ee ku Nool Jakarta ayaa si weyn ugu dabaaldegaya maalinta 1-aad ee munaasabada Ciidul Fidriga oo ku beegan shalay, iyadoo fantasiye balaaran oo arintaas ku saabsan laga dareemayo Magaaladaas.
Muslimiin iskugu jira rag, dumar iyo caruur, ayaa markii uu waagu baryey u dareeray Barxad wayn oo ku taal Xaafadda Petamburan ee Magaalada Jakarta si ay ugu soo tukadaan salaada ciida Iyagoo isugu Hambalyaynaya Farxadda Cidda iyo Dhamaantii Bisha Barakaysan ee Ramadaan.
Wadooyinka, suuqyada iyo xaafadaha ayaa waxaa lagu arkayaa caruur aad u fara badan oo qaarkood waalidiintooda ay daadihinayaan, kuwaasoo ku lebisan lebis qurxoon, iyadoo inta badan caruurta ay wataan waxyaabaha Toyska loo yaqaano ee caruurtu ay ku ciyaaraan.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com