Deg Deg ah. Sargaal sare oo kasoo goostay Alshabaab oo goordhow lagu Toogtay Muqdisho (Akhriso magaca)

Sunday, July 27, 20140 comments

Kooxo hubeysnaa ayaa waxa ay goor dhow toogasho ku dileen Sargaal kasoo goostay Kooxda Alshabaab.

Sargaalka oo lagu magacaabayay Axmed Laashin oo ka mid ahaa saraakiishi Shabaab dhawaana kasoo goostay ayaa waxaa lagu dhex toogtay Degmada Yaaqshid xilli uu ku sugnaa agagaarka Saldhiga.

Mid kmaid ah dadka goobta uu dilka ka dhacay ku sugnaa ayaa inoo xaqiijiyay in Axmed Laashin lagu toogtay meel an ka fogeyn saldhiga yaaqshiid xiili uu taagnaa laamiga dhinaciisa.

"Waxaa toogtay Saddex dhalinyaro oo Bastoolado ku hubeysnaa waxa ayna socdeen hareerihiisa wuxuu isku dayey inuu is caabiyo bistoolad ayuu wata laakin waa uga horumareen "ayuu yiri goobjooge. 

Sidoo kale Sargaalka la toogtay oo lagu magacaabayay Axmed Laashin ayaa wuxuu horey uga mid ahaa saraakiishi Xisbul islaam mar dambena Shabab ayuu soo galay kadibna waaa uu soo goostay inkastoo usan si rasmi ah dawladda usoo bandhigin.

Dilka Sargaalka ayaa waxa uu barbar socdaa dilal kala duwan oo mudooyinkaani ka kala dhacaayay Magaalada Muqdisho iyo Gobolada ku xeen-daaban.










_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog