Fiirso Qisada Labo Wiil Oo Soomaali ah oo daah-furay khad cusub oo loo mari karo dalka Australia iyo dood ka taagan

Friday, July 25, 20140 comments

Laba dhalinyaro oo qaxooti Soomaali ah ayaa waxaa la sheegay inay ku fureen dalka Australia leyn cusub oo qaxootinimo oo dalkaasi lagu gali karo arintaas oo dhalisay muran iyo is qabqabsi u dhexeeya madaxda dalkaas oo ku saabsan sidii loogu hor tagi lahaa inay wadadaasi ay noqoto meel ay dalkaasi kaga soo qulqulaan qaxooti faro badan.

Laban dhalinyaro ayaa waxaa la sheegay inay dhawaan ay dalkaas Australia ku galeen qaxootinmo ka dib markii ay jeexeen ama ay daah furaan khad cusub oo aan horey qaxootinimo loogu galin dalkaas.

Arintaas oo madaxda iyo shacabka dalka Australlia ku beertay wel wel iyo walaac baaxad weyn islamarkaana dhalisay muran weyn oo u dhexeeya xisbiyada dalkaas, Labadaan nin ee galay dalka Australia ayaa waxay ka soo gudbeen oo ayna doon ka soo raaceen dalka Papua New Guinea iyagoo ka dibna ka soo degay jasiirada Boigu Island oo ka tirsan gobolka Queensland ee dalka Australia, Laakiin dhalinyaradaas oo qaxaatinimo isku dhiibay ayaa waxay arintaas keentay qeylo dhaan ka soo yeertay dalka Australia iyadoona sida uu sheegay ra’iisal wasaaraha Queensland ninka lagu magacaabo Campbell Newman in ragan cusub ay ku fureen wado hor leh oo ayna dhici karto inay hada ka dib ay noqoto meel ay kaga soo qulqulaan qaxootiga dalkaas Australia hadaan si deg deg ah aan wax looga qaban arintaas.

Ugu dambeyntiina dhalinyaradan Soomaalida ah ayaa loo soo direy diyaarad qaas ah ka dibna loo duuliyey xerooyinka qaxootiga lagu hayo ee ku yaala magaalada Cairns eed alka Australia, waxay wararka qaar sheegayaan in nimankaa qaxootiga ah si dhaqso ah dib loogu celin doono dalkaas Papua New Guinea ee ay markii horeba ka yimaadeen.

Madaxda dalka Australia oo ay arintani ka dhex abuurtay muran iyo is qabqabsi ayaa waxay hada raadinayaan xal in loo helo arintaas iyadoona ay islamarkiiba soo jeediyeen qaar badan oo ka mid ah madaxdaas arimo lagu xalinaayo inuu qaxooti dambe uu ka soo galo dalkaas leynkaas cusub ee ay daah furaan qaxootigaas Soomaaliyeed.













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog