Mario Balotelli ayaa iska dhaga tiraya eedeymaha loo soo jeedinayo xili uu ku dalxiisayo isaga iyo saaxibadii Fanny Neguesha Miami dalka Mareykanka.
Kadib markii Italy ay ka soo hartay koobka Adduunka ciyaaryahanka AC Milan ayaa fasax u aaday Mareykanka halkaas oo uu madaxa ku dajinayo waxaana uu ku soo dhigayaa baraha Bulshada waxyaabo lala yaabo.
Sawirkii uu soo dhigay barta bulshada ee ugu dambeeyay waxaa uu ahaa isagoo heysta wax u eg qori taasoo fadeexad ku ah ciyaaryahanka laakiin isaga lama ahan.
Balotelli oo haatan lala xiriirinayo Arsenal ayaa xili farxad ku jiro ka hor inta uusan ku soo laaban tababarka Milan iyo ciyaaraheeda xagaaga.
Mario Balotelli ayaa dareensan dadka iney umaleeyaan inuu waalanyahay waxaana uu yiraahdaa”labo miiraa leymudaa waa leygu maadsadaa.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com