R. C/Wali shiikh oo ku baaqay in laga gacan siiyo dowladda dibu soo nooleynta Soomaaliya

Wednesday, July 2, 20140 comments

Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay inay wado dadaal loogu jiro sidii dalka looga saari lahaa dhibaatada dabo-dheeratay ee u ku jiro,waxaana raysul wasaaraha Soomaaliya uu ku baaqay in shacabka Soomaaliyed ka gacan siiyan dib u dhiska iyo horumarka dalka, ayna ka hortagaan wax kastoo dib u dhac keeni kara.

Ra’iisal wasaare,Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed waxaa kalo uu soo hadal qaaday in dalka lugu hagaajin karo dadka Soomaaliyed oo iyagu noqda kuwa ay ka go’antay dibu soo celinta waayihii wanagsana ee Soomaaliya.

..””Waxa kaliya ee la oran karo waa lugu dhisi kara dalka waa shacabka oo u soo jesta,waxaann ugu baaqeynaa dhammaan dadka Soomaaliyeed iney gacmaha isqabsadaan una dhaqaaqaan dib u dhiska dalka, waxa naga hormuuqdana waa faras magaalihii Muqdisho oo burbursan, waxaan ku dhaqaaqeynaa dib u dhiska dalka, gaar ahaan dhalinyarada la marin habaabiyay ee maskaxda laga bedelay laguna mashquuliyay isqarxinta waxan ugu baaqayaa iney ka waantoobaan, kana soo laabtaan wadada qaldan” ayuu yiri ra’iisal wasaaraha dalka.

Waxaa uu ku dheerad,Cabdiweli Sheekh dadka Soomaaliyeed iney ka tagaan qabyaalada ugana gudbaan Soomaalinimo, isagoo cod dheer ku sheegay ahmiyadda ay leedahay midnimada iyo isku duubnida, wuxuuna ku taliyay in loo soo jeesto dhinaca horumarka.

..””Qabyaalada waa waxa halkan na dhigay,waxaan idin faraya inan uga gudubno Soomaalinimo,ahmiyadda ay leedahay midnimada iyo isku duubnida, wuxuuna ku taliyay in loo soo jeesto dhinaca horumarka,..””ayuu ku yiri hadalkiisa ra’iisal wasaaruhu.

Soomaaliya 23-sanno ayaa waxaa ka jirta xasilooni dari,waxaana wali lugu guuleysan la’yahay sugida amniga oo la sheegay inay tahay caqabada ugu weyn ee hortaagan dibu soo laabashada xasiloonidii ka jirtay dalka.

Dowladda uu hoggaamiyo,Xasan Sheekh iyo ra’iisal wasaare,Cabdiweli waxaa ay sheegan inay isku dayayaan sidii isbadal dalka looga dhalin lahaa ayna ku dadaallayan in 2016 dalka ay ka dhacdo doorasho ay shacabku wax dortan.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog