Taliyaha Boliiska Somalia oo Canada laga masaafuriyay - "Human abuse &Violations" - Taariikh Madoow?

Friday, July 11, 20140 comments

Taliyaha cusub ee Boliiska Somalia Mohamed Hassan wuxuu leeyahay taariikh astaan looga dhigay arxan daro taas oo sababtay in Dowladda Canada dalkeeda ka masaafuriso kadib markii ay dacwado ka gudbiyeen qoysas uu Muqdisho si xun ugu inqaabay mudadii u dhaxeysay 1987-1990.

Taliye Mohamed Hassan oo kacaankii Mohamed Siyaad ahaan jiray Madaxa dimbi baarista gobolka Banaadir wuxuu ku dhiiraday falal ka baxsan bini-aadamnimada,sida ku cad diiwaankiisa taariikhda madoow.

Dadka Dowladda Canada ku dacweeyay waxaa ka mida haween uu gogol dhaaf xooga ku sameeyay .

Ganacsatada reer Xamarka ayuu xiri jiray kadibna marka haweenkooda soo booqdaan ama gabdhahooda ayuu sidoo kale qasab kula raaxeeysan jiray inta aysan arkin ka hor.

Ninkaan taliyaha boliiska Somalia loo magacaabay oo qabiil ahaan ka soo jeeda Daarood -Mareexaan,waxyaabaha uu sameeyay ee laga sheekeeyo waxaa ugu yaab badan in nin uu timaha ka jaran jiray uu si xun u jirdilay kadib markii saaxiibadiis u sheegeen inuu timaha ugu xiiray qaab fool xun.

Taliyaha cusub ee Boliiska markii laga masaafuriyay Canada kadib waxaa madaxa Sirdoonka Gedo u magacaabay allaha u naxariistee Abdullahi Yusuf Ahmed .

Intaan la magacaabin ka hor wuxuu ku xirnaa oo mudo dheer la shaqeeynaayay Sirdoonka Ethiopia iyo Kenya sida wareedyo muhiima u sheegeen.

Dowladnimadii Somalia waxay ku saqiirtay in xilalkii sare loo magacaabo dadka taariikhda madoow ee tacadiyada baahsan iyo tuuganimada ku asteeysan.

Sida lagu yaqiin Dowladnimada waxaa laga carari jiray qofkasta oo lagu tuhmo inuu basaas u yahay Dowladaha shisheeye laakiin maanta waxaa xilalka ugu sareeya dalka Somalia lagu tixay dhamaan basaasiintii u shaqeeynayay ama ku daabnaa Dowladaha shisheeye gaar ahaan Ethiopia iyo Kenya.

Jiilka cusub iyo Garcadaayaashii Soomaaliyeed waxyaabaha ay goobjoog u noqdeen waxaa ugu weyn in xil Wasiir loo magacaabo nin Somalia oo Jeneral Ethiopian ah magaciisa soo gudbiyay.

"Sidee Jeneral Ethiopian ah kuu dhihi karaa ninkaan Wasiir iiga dhig si uu dalkaaga ii basaaso,sow ma aheyn Wadaniyada in qofka uu ninkaas Xabashiga keeno in tiirka la taago kadibna la toogto”

Shaqsiyaadka loo magacaabay Wasaaradaha ,Warfaafinta,Gaashaandhiga,Maaliyadda iyo Hay’ada Sirdoonka Qaranka waxay dhamaantood ka tirsan yihiin Jaajuusiinta Somalida ee sirta Jamhuuriyadda Somalia u gudbiya Ethiopia.













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog