Video: Daawo Filim laga sameynayo gabar weriye ah oo afduub loogu haystay Soomaaliya muddo 15 bilood ah

Friday, July 4, 20140 comments

Gabar weriye ah oo u dhalatay dalka Canada Amanda Lindhout oo muddo 15 bilood ah afduub loogu haystay dalka Soomaaliya ayaa la samaynayaa filim ka sheekeynaya sidii loola dhaqmay mudadii ay ku jirtay gacanta afduubayaasha.

Filimkan ayaa waxaa jili doonta aktarad caan ah Rooney Mara kadib markii gabadhan saxafiga ah ay ka qortay buug ka sheekeynaya dhibaatadii loo geystey mudadii ay ku jirtay gacanta afduubayaasha

Gabadhan ayaa qortay buug ay ugu magac dartay “The House In The Sky” kaasoo ay soo jiidatay shirkadda Annapurna Pictures kaasoo go’aansaday in uu filim ka sameeyo sheekada. Shirkadan ayaa waxaa ay soo saartay aflaam abaalmarino ku guuleystay sida American Hustle, Her iyo Zero Dark Thirty.

Lindhout iyo sawir qaade u dhashay dalka Australia Nigel Brennan ayaa lagu afduubtay duleedka magaalada Muqdisho bishii August 2008. Labadan weriye ayaa waxa ay ka shaqeynayeen sheeko waxaana ay ku jireen gacanta afduubayaasha muddo gaareysa 460 ruux.

Lindhout ayaa sheegtay in buuga ay qortay uu yahay mid ku salaysan fikirkeeda iyo wixii ay aragtay. Gabadhan saxafiyada ah ayaa sheegtay in fal kufsi ah lagula kici jiray muddii ay haysteen kooxda afduubatay.


Buugga ayaa waxa uu daaha ka qaadayaa sida qoysaska ay ka soo jeedeen labadan saxafi ay ugaga hareen dowladahoodii Canada iyo Australia kadibna ay u weecdaan dad la xaajooda kooxda afduubka ku haysatay.

Lacag gaaraysa $600,000 ayaa la siiyay kooxdii afduubatay saxafiyiintan halka lacag intaa la’egna ay heleen dadkii la xaajoonayay afduubayaasha.

Lindhout ayaa sheegtay in mid ka mid ah dadkii afduubtay ee falka kufsiga ahna kula kacay uu kula soo xiriiray Facebook uuna ugu hambalyeyay dadaalkeeda ah in ay gargaarto gabdhaha Soomaaliyeed ee falalka kufsiga ah lagula kaco.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog