Gabar u dhalatay dalka Pakistan oo da’deedu tahay 17 jir ayaa jaceyl dartiisa u guursatay nin 31 sano jir ah, arinka guurkooda waxaa ka xumaaday qoyska gabadha ay ka soo jeedo.
Intaas oo qura oo ka xumaanshaha ah kuma ekaan waalidka balsa waxay ku fikireen sidii ay u dili lahaayeen, waxaana gabadha reerka ay ka dhalatay ayaa ku yiri inoo kaalaya waxaan idiin balan qaadeenaa in aan guurkiina idiinka ku waafaqna ducana aan idiin raacsiino.
Labada lamaane oo ku faraxsan hadalka labada waalid ee ka soo yeeray ayaa yimid guriga ay ka soo jeedo gabadha, labada lamaane meeshii ay ka sugayay duco iyo soo dhaween waxay badalkooda heleen in xariga lagu xiro kadibna qoorta laga jiro.
Sababta ku kaliftay waalidka in ay ku kacaan ficilkaan foosha xun ayaa ah in ay gabadha guursatay nin qabiilkiisa la liido ama uusan ka soo jeedin qabiil sharaf leh ama u dhigmada qabiilada ay wax kala guursadaan.
Dilka gabadha guursata nin aysan isku level aheyn dhanka nolosha waa kaa caadi in la dilo dalka Pakistan meelo badan oo ka tirsan, lama ogolo in gabadha ay kala hadasho daaqada nin aysan dhanka qabiilka aysan iskaaga mid aheen waxayna ku xukamantahay in la dilo gabadhii lagu helo ficiladaas.
Dhacdadaan ayaa ka dhacday bariga Pakistan’s Punjabi village of Satrah, police-ka dalka Pakistan ayaa gacanta ku dhigay reerka gabadha.
Gabadha la dilay ee qoorta laga jaray ayaa lagu magacaaba Muafia Hussein taas oo guursatay nin aysan la dhicin waalidkeeda.
Sanadkii la soo dhaafay ugu yaraan waxaa dhacday 869 dhacdo taas oo loo yaqaano ‘honour killings’ waxa ayna ku soo warameen saxaafada, Human Rights Commission of Pakistan ayaa aamisan in ay jirto in kabadan dhacdooyinka aan kor ku soo xusnay.
Kuma cusba dalka Pakistan dilka loo geesto gabadhaha uu Allah calaf ugu daran dadyow kale , dhacdadii ugu foosha xumeed ayaa aheed kadib gabar 19 jir ah markii ay faamilkeeda ugu dhaarteen kitaabka Qur’aanka kariimka in aysan dili doonan ayna u sameyn doonaan xafalad lagu wayneynayo guurkooda, gabadha ayaa tiri dhaarta waalidkeyga waxba kama jiraan waxaan aaminsanahay in ay idili doonaan taas oo ay dhab noqotay in la dilo kadib markii mid kamid ah faamilka reerka uu xabad ku dhuftay.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com