Xarakada Alshabaab oo jabsaday Twitterka Taliska Ciiddanka Difaaca Kenya iyo warar Jihaad khuseeya oo lagu soo daabacay (Qoraal turjuman)

Tuesday, July 22, 20140 comments

Dagaalka u dhexeeya Alshabaab iyo Milliteriga Kenya ayaa u muuqda inuu u xuubsiibsanayo dhinaca Warbaahinta, kadib, markii la shaaciyey in Kooxaha Burcadda Internedka inay jabsadeen Cinwaanka uu Afhayeenka Taliska Guud ee Ciiddanka Kenya, Major Emmanuel Chirchir ku lahaa Twitterka.

Kooxaha jabsaday Twitterkaasi ayaa la tuhunsan yahay inay yihiin koox gaacansaar la leh Alshabaab, waxayna Kooxdaasi ku qoreen hadallo la xiriira Hawlgalka Ciiddanka Kenya ee Somalia, waxaana oraahyadda lagu qoray ka mid ahaa: iyadoo ay Kenya ka jirto saboolnimo baahsan ayaa waxaad lacagtiina ku khasaarinaysaan qoryaha.

Twitterka Afhayeenka Ciiddanka Difaaca Kenya ayaa waxa uu inta badan soo dhigi jirey Warar iyo Muqaallo ku saabsan Hawlgalka Ciiddanka Kenya ee ku sugan gudaha dalka Somalia iyo guulaha ay ka gaaraan dagaalladda ay kula jiraan Xarakadda Alshabaab. 

Dhinaca kale, Kooxda Burcadda Internetka waxay kaloo jabsadeen, inkastoo markii dambe dib loo soo celiyey Cinwaanka ay Hay’adda Deegaanka Qaranka Kenya (Netfund) oo iyadu hoos tagta Wasaaradda Deegaanka ee Kenya.

Si kastaba ha ahaatee, Alshabaab wax hadal ah kama soo saarin inay ka dambeeyeen falka lagu jabsday Cinwaanka Afhayeenka Milliteriga Kenya ku leeyahay barta Twitterka, mana jirto koox sheegatay falkaasi.

Xigasho Daily Nation











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog