Astaamaha Nuucaan ah ayaa lagu gartaa qofka Jaceyl la buko

Tuesday, August 26, 20140 comments

Caashaqa waa shey aad u mac, nolosha u yeela dhadhan aad u macaan iyo naxariis iyo wada noolaasho waarta, qofkasta naga mid ah wuu hayaa jaceyl ama wuxuu ku soo jiraa wadadii uu jaceylka ugu dhici lahaa, jaceyl la aantiisa waxbadan ma qabsoomeen dunidaan, ruux kastane oo qalbi adag si kasta uu u qalbi u adagyahay waa hubaal qof uun buu u qaadi doonaa jaceylka, hadaba ruuxa uu haleelo jaceylka waxaa jiro astaamo lagu garto in uu haayo jaceyl, Shabakadaan waxay idiin soo gudbineesaa qaar ka tirsan astaamahaas lagu garto ruuxa jaceylka haayo, qormadaan waxaa qalinka u qaatay qoraa sare Daalac Daahir Shoot
1. Ka sheekeen qofka uu jaceyl yahay

Ruuxa markii uu jaceyl u qaado ruux kale, waxaad ku garan kartaa in uu markasta ka sheekeeyo iyada/isaga, markii lagu soo hadal qaado ruuxa uu jecel yahay qofka waxaad ku garan kartaa ka sheekeenta ruuxa uu jecel yahay kama caajiso, wuxuu ka sheekeyaa wax yaabaha ay is dhaheen ama is dhaafsadaan.
2.  Aaad wuxuu u xiiseeyaa sheekooyinka jaceylka ama msualsalada jaceylka

Qofka jecelka ka haayo wax yaabaha lagu garto waxaa ka mid wuxuu aad u aqrisadaa qisooyinka jaceylka sidoo kale wuxuu daawadaa musalsalada jaceylka, markasta uu daawanayo waxaa ku soo dhaca ruuxa uu jeceyl yahay.
3. Aaad wuxuu u dhageestaa heesaha jaceylka

ruuxa markii uu jaceyl asiibo wax yaabaha lagu garto waxaa kamid ah wuxuu aad u daneeyaa heesaha jaceylka, wuxuuna galiyaa waqti, waana astaan lagu garto ruuxaas in uu haayo jaceyl.
4. Badanaa wuxuu booqdaa meelaha uu ku badan yahay ruuxa uu jecelyahay

Dareenka jaceylka ayaa ku amraya in aad booqoto meelaha ay ku badantahay ama ku badanyahay ruuxa aad jeceshahay hadii aad kula nooshihiin meelo kala duwan oo kala dheer ama wadamo kala dheer waxaa tusaalo dhow kaaga filan facebook, waxaad aad u daneesaa wax yaabaha uu ruuxaas soo galiyo iyo wax yaabaha uu ka baxsho comments ama uu saaro “like”
5. Wuxuu qadariyaa ama qadarisaa asxaabtiisa

Qofka markii uu jaceyl haayo wuxuu aad u qadariyaa ruuxa uu jecelyahay asxaabtiisa isaga oo isbara ama marmarka qaar saalama, hadii aad iskua ragto sifadaan ama aad ku aragto ruux asxaabtaada ah ogsoonow in ruuxaas aad loo haayo
isku soo duub duub qormadaan uu qalinka uu qaatay Daalac Daahir Shoot waa qeyb kamid ah wax yaabaha lagu garto qofka jaceylka haayo inkastoo ay jiraan astaamo kale waxaan idiin soo xulnay kuwa ugu muhiimsan











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog