Cali Khaliif Galeyr oo iska casilay BF, kuna hanjabay in uu calaaqaadka u jari doono DF haddii ay hal arrin ku dhaqaado

Sunday, August 17, 20140 comments

Madaxweynaha maamulka Khaatumo State, Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay in uu maanta oo sabti ka ah ka baxay xildhibaannimadii baarlamanka Somalia.

Galayer waxa uu sheegay in uu Warqadii is-casilaadiisa usoo gudbiyay Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya, taasi oo uu uga tagay Shaqadii uu u hayay baarlamaanka Soomaaliya..

Galayr waxa kale oo uu shaaciyey wax hambalyo aanu ka helin doorashadiisa madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, wuxuuna ku goodiyay haddii la ictiraafi waayo in ay xiriirka u jari doonaan.

Cali Khaliif Galeyr oo la hadlay Idaacadda Goobjoog ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in markii loo doortay madaxweynaha maamulka Khaatumo in dad ay asxaab yihiin oo ku jirra dowladda ay hambalyo u soo direen isagoona si gaar ah u xusay wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mustaf Sheekh Dhuxulow.

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa ku goodiyay haddii dowladda fedaraalka aaney taageerin qadiyada iyo mowqifka maamulka Khaatumo in ay


calaaqaadka u jari doonaan isagoona intaas ku daray isla markaana uu wax wadashaqeyn ah aanu dhexmari dooni.

Madaxweynaha cusub ee maamulka Khaatumo ayaa dhinaca kale dowladda ugu baaqay in ay dhex-dhexaad ka noqoto maamulada ka dhisan dalka sidda, Puntland, Khaatumo iyo Somaliland.

Wuxuu tilmaamay in uu Maraykanka uga yimid siddii uu door uga qaadan lahaa midnimada Soomaaliya loona horumarin lahaa shacabka deggan deegannada uu maamulo Khaatumo oo uu yiri xaqooda dad kale ayaa iska heysta.

Dowladda Soomaaliya ilaa hadda si rasmi ah ugama hadlin doorashadda ka dhacday deeganka Saaxdheer oo u dhow soohdinta Itoobiya toddobaadkii hore taasoo uu ku guuleystay siyaasiga Cali Khaliif Galeyr.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog