Daawo Banaanbaxyo lagu Taageeraayo Heshiiskii Maamul u sameeynta Gobolada Dhexe oo ka socdo Qeybo ka mid ah Gobolka.

Friday, August 1, 20140 comments

War goor dhow naga soo gaaray Gobolka Mudug, ayaa sheegaya in Saakay Qeybo ka mid ah Gobolka uu ka socdo Banaanbaxyo lagu Taageerayo Maamul u sameeynta Gobolada Dhexe ee Dalka Soomaaliya.

Banaanbaxa oo aad u weyn ayaa waxaa lagu taageerayaa Maamulka aya Dowlada Somalia shaacisay in loo hirgalinaayo Gobolada Dhexe ee Dalka, waxa uuna xoogiisa ka socdaa Deegaanada Maamulka Galmudug.

Banaanbaxa ayaa waxaa ka qeybqaadanaayo Mas’uuliyiin Maamulka ka tirsan waxaana lasoo warinayaa in xoogiisa uu hadda ka socdo Magaalada Gaalkacyo,Dagmada Hobyo iyo Deegaanka Wisil ee Gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in Banaanbaxa lagu Taageerayo Heshiiskii lagu Saxiixay Magaalada Muqdisho oo ahaa in Maamul loo dhiso Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Dhanka kale, Banaanbaxa ayaa waxa uu dhacaaya xilli Heshiiskaasi ay ka hor imaadeen Maamulada Ximan iyo Xeeb,Puntland,qeybo kamid ah Ahlusunna iyo Siyaasiin ka soo jeeda Gobolada Dhexe ee Dalka Soomaaliya.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog