Daawo Sawirada Doonyo casri ah oo lagu wareejiyay Maamulka Gobolka Banaadir

Tuesday, August 26, 20140 comments

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta la gudoonsiiyay afartan doomood oo nuuca kaluumeesatada ah , waxaana doomahan loogu tala galay in ay ku kaluumeestaan Kaluumeesatada danta yar ee Gobolka Banaadir.

Deeqdan doomanka ah waxaa Maamulka Gobolka Banaadir ku wareejisay Hay’adda gar gaarka u qaabilsan dalka Qadar ee (Qatar Charity) oo ugutala gashay in ay ku caawiso dadka kaluumeesatada ah ee ku dhaqan Gobolka Banaadir.

Guddoomiye ku-xigeenka dhanka siyaasadda ee Maamulka Gobolka Mudane Maxamed Aadan Guuleed uu kaga mahadceliyay mas’uuliyiinta hay’adda Qadar, kaalmada ay soo gaarsiiyeen, isagoo xusay in ay wax weyn ku soo kordhineyso kalluumeysatada gobolka ku dhaqan.

Kaluumeesatada Gobolka Banaadir ayaa baahi badan u qabay in ay helaan dooman casri ah ay ku kaluumeestaan , waxa ayna doomankan maanta Gobolka Banaadir lagu wareejiyay ay dhiiro galineysa dhalinyaro badan oo Xeebaha ka jalaabata


















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog