Daawo Sawirada Wiil yar oo AMISOM xabad ku dhufteen oo dhibaato xoogan ku heesato Gudaha Isbitaalka Madiina

Wednesday, August 20, 20140 comments

Iyadoo wali ay iska cakiran tahay xaaladda wiilkii Ciyaalka Garaabiista ahaa ee ku dhaawacmay Dagaalkii Jimcihii ka dhacay Degmada Wadajir ayaa M/Mulka Isbitaalka Madiina waxa ay ku andacoodeen in aysan lugta ka jaraynin illaa laga hello
Masuuliyad.

Maamulka isbitaalka ayaa sheegay Wiilkan aan Ehelka lahayn hadii ay lugtiisa jaraan in ay ka baqayaan Mustaqbalka dacwad loo qabsado, intaasi ka dib gabadha Wiilka xanaanaysa Xiligan Xaliima Maxamed ayaa Maamulka Degmada Wadajir gaar ahaan Gudoomiyaha Cusub waxa ay ka soo qaadatay warqad saxiix ogolaansho ah si lugta wiilka oo laalaada looga jaro si dhibka ugu yaraado Caafimaadna Illaah ku siiyo.

Dhibaatada wali taagan waxa ay tahay in aysan jirin Cid si gaar ah wali madaxa u saaratay Qarashaadka dawada iyo jiifka isbitaalka balse Xaliima Maxamed ayaa balan qaaday in ay si wiilkeedda ama wallalkeedda camal ay ugu hagar bixi doonto illaah Dartiisa.

Wiilkan oo jimcihii 15 bishan dhibaato wayn kasoo gaartay Rasaas ay AMISOM ku fureen isago Kabar Jaadka jiifa xili ay duulaan ku ahaayeen degmada wadajir Ex Gudoomiyihii hore Axmed Daaci Gurigiisa Howlgal ay ugu magac dareen hubka dhigis.

hadaba Umuda Soomaaliyeed waxaa ay Xaliima ka codsanaysaa in ay gar gaar u fidiyaan si wilkan noloshiisa loo bad baadiyo "Waxaa jira dad Muxsiniin ah oo illa soo xiriiray oo wax ii balan qaaday & kuwa wax soo diray balse aanan ku filnayn wax ka qabashadda wiilka" ayey tiri
Xaliima.

Xaliima oo hadalkeedda sii wadata ayaa sheegtay in ay laba wiil oo walaalaheeda ah ay habeenkii in ay la jiiftaan ay u qorsheeysay illaa iyo inta xaaladiisa ka soo hagaagayso.

Dhibaatoooyinka sidan o kale ah waa kuwa ugu badan ee so gaara dadka Masaakiinta ah iyo ciyaalka Derbiyada ku dac dareesan, kuwaas oo aan lahayn wax ehel ah balse Umadda Soomaaliyeed laga codsanayo in ay ehel u noqdaan si illaahay iyagna ugu Abaal mariyo.

Ugu danbayntii maanta ayaa la filayaa in la jaro Lugta wiilka marka la gaarsiiyo Saxiixa Gudoomiyaha Wadajir.

Cidii u baahan Wax ka ogaan shaha Xalada wiilkan Fadlan la xiriir
XALIIMO MAXAMED MAXAUUD oo ah Gabadha u ixsaan fashay Wiilkan
+252615502076













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog