Inkastoo Awooda alle ay aad u weyntahay, hadana waxaa xili waliba dhasha Carruur iyagu Mucjiso ah oo qaarkood aadan fiirin Karin Mucjisadooda.
Haddaba Labadaani lamaane waxa ay is qabaan mudo Sanad dhan, waxa ayna yihiin kuwo cuuryaan ah, islamarkaana u nool sida dad caafimaad qaba sida ay u noolyihiin.
Lamaanaha ayaa midba meel la, Ninka oo lagu magacaabo Marwaan waxa uu la’yahay gacmaha, hadana waxa uu muujinayaa inuu ku faraxsan yahay Mucjisada uu alle u dhaliyay, islamarkaana uu Howshiisa u qabsado, sida qof aan dhib qabin ama aan meel la ayn.
Sidoo kale, Gabadha oo lagu magacaabo Liina, ayaa waxa ay la’dahay lugaha, waxa ayna qabtaa inay howsheeda gudato, sida qof dhameystiran, waxa ayna Tilmaantay in iyada iyo ninkeeda ay xiliyada qaar u damaashaat tagaan goobaha loogu talo galay wada sheekeysiga mana dareeman faquuq ama in lala yaabo.
Dhanka kale, Lamaanahaani waxa ay qabaan in dhan waliba ay ka dhameystiran yihiin islamarkaana aysan tabeynin xubnaha ka maqan.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com