Jilaaga caanka ah ee Jackie Chan ayaa ceeb iyo murugo lasoo deristay, kadib marki wiilkiisa Jaycee Chan lagu qabtay magaalo madaxda dalka Chinaha Hong Kong, eyadoo lagu eedeeyay inuu siday daroogo fara badan.
Bogga uu ku leeyahay Jackie Chan Internetka ayuu ku sheegay inaan wax ka quseeya jirin arintan wiilkiisa, wixi masuulid ahna isagu qaadayo, isagoo yiri “sidaas ey tahay garabkiisa ayaan istaagi doonaa.
“Waxaan dareemayaa niyad jab, caro, iyo sidoo kale ceeb ayuu yiri, sida aabo kasta qalbiga u jabo ayaa qalbigeygu u jabay, aniga iyo Jaycee waxaan raali gelin siineynaa bulshada si guud, sidaas waxaa yiri Mr Chan.
Jackie Chan ayaa rajeeyay in dadku wax badan ka bara doonaan wiilkiisa, kana fogaa doonaan daroogada iyo waxyaabaha xun.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com