Iyadoo ay weli Magaalada Washington ku sugan yihiin Madaxda Qaarada Afrika, ayaa waxaa muuqanaayo nidaam dari inta badan ay wajahayaan madaxda Afrikaanka iyo Marwooyinkooda, xiliyada ay marayaan goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamada u tababaran bixinta salaanta iyo soo dhaweynta.
Haddaba Kaamirada caalmaka ayaa waxa ay qabatay Madaxweyne Xassan iyo Marwadiisa oo ku jahwareeray markii ay marayeen goobta soo dhaweynta, waxaana la arkaayay Madaxweyne Xassan iyo marwadiisa oo lagu amraayo inay kala wareegaan islamarkaana ay ku dhawaad Daqiiqad istaagan si loo fuliyo Astaamaha ay Ciidamadaasi kusoo dhaweyaan Madaxda Africa, hayeeshee Madaxweyne Xassan uu aad ugu jahwareeray.
Baraha Bulshada ayaa waxaa lagu arkayaa Sawirada iyo Vedio ku saabsan Jahwareerkaasi, waxa ayna dadku ka bixinayaan Fakiro mucaarad iyo amaan isugu jiro.
Inta badan Madaxda Afrikaanka ee aan laheyn Khibradaha la dhaqanka Ciidamada u tababaran bixinta salaamaha iyo soo dhaweynta ayaa waxa ay ku dhacaan Fashil iyo fadeexo, waxa ayna taasi ka turjumeysaa heerka ay ka gaarsiisan yihiin Aqoonta Madaxtinimo.
Dhanka kale, Sawirada Madaxweynaha iyo Marwadiisa ayaa waxaa aad looga hadal hayaa Baraha Bulshada waxaana la arkayaa dad iyagu taageero u ah Madaxweynaha oo sawiradaasi ka bixinaayo Comment wanaagsan, halka kuwa aan taageersaneyn ay iyaguna bixinayan Fikiro aan ku habooneyn Madaxweynaha.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com