Ciidamada Boliiska magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa wada baaritaano la xiriira dil Haweeney Soomaaliyeed loogu geystay magaalada Toronto, waxaana dilkaasi loo qabtay Sedax nin oo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen dilkaasi.
Nataasha Maxamed Faarax oo 26 sano jir ah ayaa habeenkii Sabtida waxaa lagu dilay goob wado ah xili ay la sheekeysaneysay Saaxiibkeed oo baar ay kasoo wada baxeen.
Booliska wuxuu sheegay in rasaas lagu furay gabadhan, iyadoo kooxaha dilka geystay ay ku socdeen gaari, isla markaana horay falal dil ah u geysteen.
Michael Cavilla oo waaxda dambiyada u qaabilsan Booliska ayaa sheegay in rasaasta lagu dilay Farah Booliska aysan aaminsaneyn in ay aheyd rasaas la i weydaarsanayay. Natasha ayaa sanadkii hore ka qalan jabisay College Hamburg ee magaalada Toronto.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com