Yuusuf Indha Cadde oo shaaciyay cida Masuulka ka ah amaan darada kusoo korortay Magaalada Muqdisho

Tuesday, August 5, 20140 comments



Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo kamid ah Saraakiisha Ciidanka Dowlada ayaa ka hadlay amaan darada mudooyinkii dambe kusoo kordhay Magaalada Muqdisho iyo Beegsiga lagu hayo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Indha Cadde ayaa sheegay in Masuuliyada amaan daro ee ka jirta Magaalada Muqdisho in ay qaadayaan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya uu sheegay in iyagu hor taagan yihiin ansixinta Sharciga la dagaalanka Argagaxisada.

Sargaalkan ayaa sheegay in Xukuumada Soomaaliya iyo Madaxda Dowlada midna uusan qaadaneyn Masuuliyada amaan daro ee Caasimada ka jirta iyo Dilalka loo geesanayo Xildhibaanada , waxa uuna taa badalkeeda eeda amaan darada jirta dusha u ka saaray Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

‘’Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya iyaga ayaa ka masuul ah amaan darada hada jirta , waayo iyaga ayaa hor taagan ansixinta Sharciga la dagaalanka Argagaxisada oo kol hore la hor geeyay ,Masuuliyada maan daro shaqo kuma lahan Madaxda Dalka eedaasi waxaa qaadaya Xildhibaanada’’ ayuu yiri Yuusuf Indha Cadde.

Hadalka Indha Cadde ayaa imaanaya xili ay Magaalada Muqdisho kusii kordheen falalka amaan daro ee isugu jira dilalka iyo qaraxyada , waxaana Xildhibaanada Baarlamaanka dhoor mar loogu baaqay in ay ansixiyaan sharciga la dagaalanka argagaxisada ay Saraakiishu aaminsan yihiin in wax badan ka tarayo xaalada hada jirta.














_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog