War rasmi ah oo goordhaw kasoo baxay xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu faah faahiyay duqeyn ay diyaaradaha dagaalka Mareykanka dhawaan ka geysteen deegaan katirsan Shabeelaha Hoose.
Ilo Wareedyo ay gubtanews heshay ayaa sheegaya in bayaan ku qoran luqadaha Ingiriiska iyo Carabiga uu kasoo baxay Hoggaanka sare ee Mujaahidiinta.
Bayaanka ayaa lagu xaqiijiyay in Sheekh Mukhtaar Abuu Zubeyr amiirkii xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo sarkaal oo kale ay ku shahiideen duqeyn ay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ka geysteen Koonfurta Soomaaliya.
Hoggaanka Shabaabul Mujaahidiin waxay ku dhawaaqday in amiir cusub loo magacaabay Mujaahidiinta Soomaaliya kaasi oo bedeli doono Sheekh Abuu Zubeyr Raximahullaah.
Amiirka cusub ee lamagacaabay waa Abii Cubeyda Axmed Cumar
Mas’uul katirsan mujaahidiinta ayaa isna lafilayaa in uu warbaahinta lahadlo.
Waxaan idiin soo gudbin doonaa mas’uul ka tirsan mujaahidiinta oo bayaanka faah faahinaya insha’allaah.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com