Fanaanada Caanka ah ee Soomaaliyeed isla markaana Stylkeda iyo codkeedaba ay jecel yihiin Rag Badan oo Soomaaliyeed ayaa sanadihii la soo dhaafay la soo gashay Fanka Soomaaliyeed dardar xoogan iyadoo la timid qaab libis qurxoon iyo arimo kale oo badan oo ragga soo jiitay.
Warar hoose oo aan helnaya ayaa sheegaya in fanaanada nimca dareen ay is fahmeen masuul ka tirsan dowada ismaamulka soomaalida itoobiya oo uu madaxweyne ka yahay mudane Cabdi Cumar .
Warar ayaa intaasi ku daraya in masuulkani uu yahay Wasiirka Sports-ka iyo dhalin yarada kaasi oo dhowr jeer u suura geliyay fananadani safaro ay ku timid Jigjiga iyo munaasabo ay ku qabatay halkaasi.
Ilo Wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ku dhaw dhaw fanaanada ayaa sheegaya in in Xaflada Meherka ay dhici doonto todobaadyada soo socoto iyadoo la isku maan dhaafsan yahay halka lagu qaban doono iyadoo fanaanada ay codsatay in lagu dhigo Canada ama Uk balse Wasiirka uu doonayo in uu ku qabto Magalada Jigjiga halkaasi oo uu ka filayo in dhanka qarashaadka uu ku dalacdo Dowlada oo aad u jecel hormarka Magaalada Jigjiga.
Ilaa hadda ma jirto war cad oo ka soo baxay dhanka Fanaanada balse la arki doonee wixii warar ah ee ku soo kordha arimahani .
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com