Munaasabad loogu Dabaal dagayay Guushii ay Degmada Xamar weyne ka gaartay Tartankii Kubada Cagta eee loo qabtay degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ka dhacay Xarunta Degmada Xamar weyne, iyadoo ay kasoo qeybgaleen Mas’uuliyiin ka socotay Maamulka Gobolka Banaadir, qaar ka mid ah Guddoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, Ururada haweynka, Dhalinyarada iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan
Xafladaan oo aheyd mid si heersare ah loosoo agaasimay ayaa waxaaa halkaasi heeso aad qiiro ugaliyay kasoo qeyb galayaasha waxaa ka qaaday Fanaaniinta Kooxda Banaadiriga, iyadoo barbaarta gaashaaman ee banaadiriga ay goobta kusoo bandhigeen Dhaqanka Banaadiriga iyo Ciyaaraha ugaarka ah Banaadiriga.
Qaar ka mid ah masuuliyiintii madasha ka hadlay ayaa maamulka degmada iyo cayaartooyda ugu hambalyeeyay guusha ay soo hooyeen, iyagoo ku dhiiri geliyay inay sii wadaan tartamada kubadda cagta ah ee lagu dhiiri gelinayo dhalinyarada Soomaaliyeed
Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Aadan Guuleed (caana geel) oo Munaasabadan ka hadlay ayaa ku tilmaamay Guusha ay degmada xamar weyne gaartay mid taariikhi ah; uuna ku faraxsanyahay guusha ay soo hooyeen ciyaartoyda degmada.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha degmada Xamar weyne Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir oo soo gunaanaday Xafladan ayaa ku tilmaamay guusha ay cayaartooyda degmada soo hooyeen ay tahay mid taariikhi ah; oo reer xamar weyne aan marna ilaabi doonin, isagoo dhiirageliyay Cayaartooyda.
“Waxaa sharaf weyn noo ah in aan maanta u dabaal degno guushii aan kaalinta koowaad ka galnay tartankii degmooyinka, waxayna tani ku timid dadaal si wadajir ah ay u sameeyeen Maamulka Degmada iyo tan shacabka” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Xamar weyne.
Tartankii 15-ka bishii la soo dhaafay lagu qabtay garoonka kubadda cagta ee Benaadir Stadium ayaa u jeedkiisu ahaa isdhexgal bulsho, waxaana ka qeyb galay cayaartooy ka socotay guud ahaan17-ka degmo ee gobolka, iyadoo tartankaasi ay ku guuleysteen cayaartooyda degmada Xamar weyne, waxaana maanta la guddoonsiiyay qalab isboorti.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com