Marwada madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxaa ay ka sheekeysay dagaalkii ugu dhibka iyo yaabka badnaa ee ku soo marey magaalada Muqdisho iyadoona sheegtayinay dagaaladaas ay ku geeriyoodeen qaar ka mid ah eheladeeda.
Marwada madaxweynaha Soomaaliya marwa Sahra Xasan Cumar ayaa waxaa ay markii ugu horeysay ka warantey qisadii ugu yaabka badnaa ee ka qabsatey dagaalada dalka Soomaaliya gaar ahaana dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho, Marwa Sahra Xasan Cumar oo dhawaantaan wareysi siiday telefishinka Universal Tv ayaa waxa sheegtay inay goob joog u ahayd dagaalo badan oo ka dhacay magaalada Muqdisho Laakiin ay wali xasuusato dagaal ay ku dhinteen qaar ka mid ahaa eheladeeda, dagalkaas oo ay ku sheegtay inuu ahaa mid la isku adeegsadey hubka noocyadiisa kala duwan ayaa marwada madaxweyne Xasan Sheekh waxay sheegtay inay dhowr qoys oo darsikeeda ahaa ay ku dhinteen dagaalkaas ka dib markii uu ku habsaday madfac iyadoo sidoo kalena sheegtay inay ku adkaatey sidii gurmad loogu fidin lahaa dadkii ay dagaalka waxyeelada ka soo gaartey.
Ugu dambeyntiina iyadoo marwada madaxweynaha Soomaaliya marwa Sahra Xasan Cumar ay ka sheekeysay dagaalkii ugu yaabka badnaa ee ku qabsaday dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdsiho ayaa waxaa kale oo ay marwada madaxweynuhu sheegtay inuu waqtigaas dhamaaday oo laga soo gudbay islamarkaana ay maanta magaalada Muqdisho ay tahay meel xasiloon oo ay ka jirto nabad wanaagsan oo la isku haleyn karo, Marwa Sahra Xasan Cumar oo aan waligeed ka bixin magaalada Muqdisho intii ay socdeen dagaalada sokeeye ayaa waxay tahay qof ku caan baxay u gar gaarida dadka iyo ciidamada Soomaaliyeed ee ay soo wajahdo dhibaatooyinka iyadoona inta badan u fidiso deeq lacageed iyo gar gaar kala duwan dadka wax ku noqdo qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho islamarkaana ku soo booqato isbitaalada si ay indhaheeda ugu soo aragto sida ay wax u gaareen.
Abdirizak M. (Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com