MD Xasan Sheekh ''Nabad diidku waqtigoodii wuu dhamaaday, wayna la kulmi doonaan ciqaabta xanuunka leh ay shacabkeenu u geysateen''

Tuesday, September 9, 20140 comments

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyey is-qarxintii shalay ka dhacday degaanka Xaawo Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho. qaraxa ayaa lagu dilay laguna dhaawacay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Madaxweyanaha ayaa yiri “ Inaa Lilaahi wa inaa Ilaahi raajicuun, waxaan tacsi u dirayaa dhammaan qoysaska iyo ehelada intii ku geeriyootay falka arga-gixisada. Waxaana Eebbe uga baryayaa inuu jannadii fardowsa ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna waxaan Eebbe uga baryayaa inuu caafimaad deg deg ah siiyo.

“Kooxahan Arga-gixisada ah ayaa caadeystay inay falal argagaxa ah u geystaan dadka shacabka ah. Waxaan leenahay nabad diidku waqtigiina ayaa dhammaaday, waana la kulmi doontaa Ilaahey idinkiisa ciqaabta xanuunka shacabkeennu u geysateen ” ayuu yiri Madaxweynaha.

Dowladda waxaa ka go’an inay la dagaallanto kooxaha arga-gixisada waqtigooda sii dhammaanayo. Waxaana socda howlgaladii kooxahan looga sifeynayey dalka oo dhan.

Dhammaad.













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog