Talo Muhiim ah: Gacalisadaada sidan ayaad ku qancin kartaa

Thursday, September 18, 20140 comments

Hadaba Ugu horeyn Wax ceeb ma ah in xaaskaaga is qilaaftaan laakiin ninyahoow ha garan weyn in aad raali giliso , waxaan warbixintaan kugu haynaa qaab aad lamaantaada ku qancin karto adiga oo aan toos ugu cudur daaran oo u raali gilin iyana ay maqsuud ku noqoneyso .

Haku dhihin waan ka xumahay ama eray kale kaliya waxaa kugu filan in aad habkaan raacdo oo aad ku xaliso,

1-Ugu horeeyn Qaab degan u gal jikada ( Kushiinka) iyada oo aan ku dareemin kuna mashquulsan shaqadeeda , gadaal ka soo xabad gili , ka dhunko qoorteeda hal erayna haka oran oo ka aamus dareensi inaad jeceshahay sida aad u dhunkatay ama u qabsatay laabteeda ka dib iska bax iyana shaqadeeda ha qabsato , waxaa laga yaaba in ay kadis kaaga dhigto in ay kaa soo daba baxdo isla markaana ay kula furto hadalka ku aadan mowduuca aad isku qilaafteen.

2-Fiiri indhaheeda kana codsado in ay iska iloowdo arinta dhaxmartay.

3-Hadiyad yar u dhig barkinteeda isla markana ka war sug qaabka uu fal celiskeeda noqonayo adiga oo iska dhigaya mid hurday xiligaas.

4-Marka aad xaafadda ku soo laabaneyso horay ugu soo qaad oo ha iloobin in aad u soo qaado nooca shukalaatada ay jeceshahay , una
dhig jikada adiga oo fiirinaya indhaheeda ka dibna isaga soo bax
.
5- Adiga oo la kaftamaya ku dheh yaa Kaa Xanaajiyay .

6-U qor fariin ah waan ku jeclahay adiga oo ku qoraya muraayada qolka isla markaana adeegsanaya Rooseetadeeda gaduudan.

7-Ama waraaq aad ku qortay wan ku jeclahay darbiga ugu dhajio ama albaabka Firinjeerka ka dibna shaqadaada iska aad.

8-Fariin gaaban oo aad telka ugu soo dirto ayaa ku filan in xanaaqeeda uu baabo’o .







_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog