War Baro Sharciyada Jaceylka U Yaalo Si Dhameystiran Iyo Calaamadaha Shumiska

Thursday, September 4, 20140 comments

Xaalado badan ayaa leh calaamado lagu garto iyo sharciyo loo raaco marka lagu jiro. Jacaylka oo ah xaalad dadku galaan ayaga oo og ama aan ogayn, ayaa isna waxa uu leeyahay calaamado iyo sharciyo. Hore ayaan uga sheekaynay calaamadaha jacaylka, maantana waxa aan idiin haynaa sharciyada jacaylka.

Hadaba halkan hoose ayey shabakada kobciye.com kugu soo bandhigtay sida aad u dhaqmaysid marka aad la socotid seeygaaga ama xaaskaaga.

Dhunkashada dibnaha waxa ay ka turjumaysaa waan ku jeclahay.

Dhunkashada dhinaca dibnaha ee uu ku dheehanyahay dareen = Anigaa ku leh

Dhunkashada dhegta =  waxa aad tahay qof special ah
Dhunkashada sanka = qofka ka qoslin
Dhunkashada dhabanka =  saaxiibtinimo.
Dhunkashada wajiga = niyad u dajin
Dhunkashada qoorta = waan ku rabaa
Dhunkashada garbka = waxa aad tahay cajiib
Meel kale oo aad dhunkato = ka taxadir
Timaha faraha la gal-galiyo =  ma noolaan karo laáantaa
Gacmo qabashada kor loo qaado = farxad
Dhex qabsigu = waan kuu baahanahay ama adigaan ku leeyahay
Habsiin =  waan ku danaynayaa.
Dhegta taabashada = Is kululayn
Isu dhoolo cadayn = waan kaa helaa
Kor uqaadida sunayaasha= is gaad gaadid  ama israa-raajicis
Jeejeedsi = qarin dareenka runta ah
Dibno leefleefis =  isu diyaaris dhunkasho
Ilmayn = waan ku tabay
Ooyin = waa kala tagid

Waxa kale oo jira dhunkashooyin leh turjumaad kale laakiin aan soo galin sharciga jacaylka. Sida ta la yiraa french kiss ama dhunkashada dheer.

Hadaba ha la is dhunkado, ha la isfiiriyo, ha la isu soo dhawaado, gacmaha ha la isqabsado, ha la isa-salaaxo, ha la isu heeso, ha la isu ooyo arimahaas iyo kuwa kale oo badan ayaa jacaylka ku soo ururay. Jacaylkuna waa arinta dunidan dawada u ah.

Waxaa dhacday in hala isku heeso dadka qaar si kale u fahmaan sida maqaalkii shalay ka baxay shabakada kobciye.com oo aan ku arkeynay fikradaha qaar.

Hala isku heeso ama u hees lamaanahaada lagama wado hees music leh ee waxaa laga wadaa hees qoran ama geeraar jaceyl u tiri, waxaan filayaa hada in aad fahanteen, intii aan horay u fahmin













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog