Xaflad balaaran oo lagu maamuusayey sanadguuradii labaad ee ka soo wareegtay doorashadii madaxweynaha dowlada Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta lagu qabtay hotelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.
Waxaa xafladan soo qaban-qaabiyey xisbiga nabada iyo horumarka ee PDP oo ahaa xisbi siyaasadeed oo doorashadiisa ka hor uu hogaaminayey madaxweyne Xasan Shiikh, waxaana ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, xildhibaano, qeybaha kala duwan ee bulshada sida haweenka dhalinyarada iyo marti sharaf kale.
Intii munasabadaas ay socotay waxaa bandhig faneed u badnaa heeso wadani ah oo si weyn loogu riyaaqay ku soo bandhigay kooxda fanka ee Deegaan iyo fanaaniin kale, waxaana sidoo kale laga tiriyey gabayo iyo buraanburo lagu taageerayey madaxweynaha Somalia.
Xoghayaha guud ee xisbiga nabada iyo horurmarka Xamza Cabdi Barre oo munaasabadaas ka hadlay ayaa hambalyo u diray madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh taasoo ku aadan sanadguurada labaad ee markii xilkaas loo doortay.
Xamza ayaa dhinaca kale ka waramay waxqabadkii dowlada ee labadii sano ee la soo dhaafay, isagoo xusay in dowladu ay ku talaabsatay horumar iyo guulo waaweyn oo dhinacyo badan mudadii uu hogaaminayey madaxweyne Xasan Shiikh.
“Dhaliil waa jiri kartaa iney soo jeediyaan dadka qaar haddana waxaa fiican in dhaliisha lagu bar-bar wado waxa la qabtay, waa qalad in la dhaho dowlada wax kasta wey qabatay, waxaa kaloo qalad ah in la yiraahdo waxbo lama qaban” ayuu yiri xoghayaha guud ee xisbiga PDP oo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay iney sii xoojiyaan taageerada ay la garab taagan yihiin dowlada uu madaxweynaha ka yahay Xasan Shiikh.
Gudoomiye Ku-xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Banaadir oo isna munaasabadaas ka hadlay ayaa sheegay in hadda oo labo sano laga joogo xiligii uu madaxweyne Xasan Shiikh qabanayey talada ay wax bada iska bedeleen xaalada dalka loona baahan yahay in horumarkaas la sii xoojiyo.
“Tusaale waxaa idinkugu filan labo sano ka hor Xamar waxaa tiilay boqol isbaaro, hadana waxba ma yaalaan, Xasan Shiikh intii uu talada qabtay waxay dowladu dib u hwlgelisay boqol ka mid ah boqolaalka iskuul ee ku taala gobolka Banaadir, kuwaasoo 80 kun oo arday maanta ay si lacag la’aan ah wax ugu bartaan” ayuu yiri ku gudoomiye ku-xigeenka gobolka Banaadir.
Waxaa sidoo kale munaasabadaas khudbado ka jeediyey xoghayaha guud ee ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed Canab Maxamed Cosoble, agaasimaha wasaarada kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda Axmed Maxamed Iimaan, Marwo Dahabo oo ku hadleysay magaca haweenka xisbiga PDP, Xildhibaan Maxamed Iidle oo ka tirsan baarlamanka Somalia iyo xubno kale oo ka waramay waxqabadka dowlada ee labaddii sano ee la soo dhaafay gaar ahaan, amaanka, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, waxbarashada caafimaadka, la dagaalanka Al-Shabaab, maamul u sameynta gobolada dalka iyo arrimo kale.
Dhamaan xubnahan ayaa ku guubaabiyey madaxweynaha Somalia iyo dowlada uu hogaaminayo iney halkooda ka sii wadaan waxqbadkooda siina xoojiyaan labada sano ee u hartay si sanadka 2016 ay dalka u gaarsiiyaan doorasho xor ah oo ka dhacda Somalia, waxayna munaasabadaas ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com