Waxaa Maanta lagu guuleestay in dib loo Celiyo 19-kamid ah Xubno dhawaan ay gudiga Farsamada dib usoo celiyeen kadib markii oo eedo kala duwan Gudiga Farsamada u jeediyeen Xubnahaasi oo heestay Kalsoonida beelahooda iyo Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed.
Xubnaha hore Gudiga Farsamada dib u celiyeen oo ka badnaa 50-Xubnood ayaa manata sida Gudiga Farsamada ay sheegeen waxaa dib loo aqbalay qaarkoodna la siiyay Durba Kaararka aqoonsiga 19-kamid ah kuwaa oo u badnaa Xubnaha Beelaha Hawiye.
Xubnaha Maanta dib loogu Celiyay Baarlamaanka ayaa u badnaa Xubno lagu tirinayo in ay Siyaasad ahaan Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Waqtigiisa Dhamaaday Raacsanyihiin , waxa ayan sidoo kale u badnaayeen Xubnaha kuwa Beesha Hawiye iyadoona la sheegay in 12-kamid ah Xubnahaasi ahaayeen Beesha Hawiye sida ay sheegtay la Gudoomiyaha Gudiga Farsamada Xaliimo Yareey.
Xubnaha Maanta dib loo celiyay kana mid Noqday Baarlamaanka Soomaaliya Kaararka AQoonsigana la siiyay oo gaaraya ilaa 7-xubnood ayaa waxaa kamid ah.
1-Sheekh C/qaadir Cali Cumar Wasiirkii Hore ee Arimaha Gudaha kana mid ahaa Hogaamiyaashii Maxaakiimta Islaamiga.
2- Xasan Macalin Maxamuud Wasiiru Dowlihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya ,hadana ka Howlgala Madaxtooyada Soomaaliya kana mid ah raga sida aadka ah ugu dhaw Sheekh Shariif.
3-C/rashiid Maxamed Xidig ,Wasiir Kuxigeenkii hore ee Wasaarada Gaashandhiga kana mid ahaa Xildhibaanadii lakala diray .
4-Naciimo Maxamed Gacal Habarwaa
5- Maxamed Cabdulle Faarax
6- Maxamed Maxamuud Ibraahim
7- Maxamed Cabdulle Faarax,
7-dan Xubnood ayaana la sheegay in Galabta Si rasmi ah u heleen kaararka Aqoonsiga ee kamid ahaanshaha Baarlamaanka Soomaaliya kadib dadaalo badan uu Madaxweynaha Soomaaliya iyo qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed sameeyeen.
Waxa asidoo kale jira Xubno kale oo iyana kamid ahaa dadkii lasoo celiyay balse aan wali kaararka aqoonsiga lasiin lana filayo in maalinta berito ah iyana la siiyo ,waxaana rajadooda aad u xuntahay Hogaamiyaashii Kooxaha oo iyaga rajadooda aad u yartahay in ay kamid noqdaan Baarlamaanka Soomaaliya..
Xubnahan Cusub ee Maanta lagu daray Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maalinta Berito ah la dhaariyo si ay hoolahooda Shaqo u bilaabaan ugana mid noqdaan Xubnaha Baarlamaanka ee hada sida tooska ah u Hool galaya.