Gudiga Doorashada Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo Shaaciyay Shuruudaha laga doonayo Musharixiinta

Thursday, August 23, 20120 comments

Waxaa Maanta markii ugu horeesay Kulan Saacado badan qaatay gudiga Qaban qaabada Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Sooamaliya iyo ku xigeenadiisa oo la filayo in ay dhacdo 26-ka Bidshan aan ku jirno.

Kulankan Maanta ay Gudiga iyo Gudoomiyaha KMG ee Baarlamaanka Soomaaliya qaateen waxaa diirada lagu saaray qaabka ay u dhaceyso loona wajahayo Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo kuxigeenadiisa iyo Shuruudaha looga baahan yahay Musharixiinta.



Kulanka Maanta ay qaateen Gudiga Doorashooyinka waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Soomaaliya Jen.Muuse Xasan ,waxaana kulanka lagu doortay Gudoonka Doorashooyinka Afhayeenka iyo Qasnajiga guud ee Gudiga Doorashooyinka.

Guddoomiyaha Gudiga Doorashooyinka ayaa loo magacaabay Caasho Xaaji Cilmi halka afhayeen loo magacaabay Cismaan Libaax Ibraahim iwaxaa sidoo kale qasnajiga guud loo magacaabay xildhibaanad Khadiija Axmed Diiriye.

Gudiga ayaana soo bandhigay Shuruudaha laga doonayo Musharixiinta u tartameysa in ay Noqdaan Gudoomiyaha Baaralaamnka Soomaaliya iyo kuxigeenadiisa.


Shuruudaha Waxaa kamid ah.


1-In uu marka hore yahay Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya Ruuxa jagooyinka Gudoomiyaha iyo kuxigeenadiisa isku soo taagaya.


2-Gudoomiyaha Koowaad ee Baarlamanaka ruuxa u tartamaya ayaa laga rabaa in uu Bixo lacag gaareysa Sadax kun oo Doolar oo loogu tala galay Diiwaan galinta ,Gudoomiyaha kuxigeenka Koowaad 2-Kun oo Dollar ,Gudoomiye kuxigeenka 3-aad Kun oo Dollar .


3-Waxaa sidoo kale Shuruudaha kamid ah in ay soo codsadaan in musharixiin yihiin soona gudbiyaan araajida ay ku lifaaqan tahay Taariikh Nololeedkooda iyo labo Sawir.


Shurudahaasi iyo kuwa kale ayaa kamid ah waxyaabaha laga doonayo Musharixiinta Baarlamaaaka Soomaaliya iyadoodn Maalimnta berito ah bilaabnaeyso qabashada Araaji’da Musharixiinta soconeysana ilaa maalinta xigta.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog