Qeybaha kala duwan Bulshada Beesha Hawiye ayaa si kulul uga soo horjeeda Qorshayaal ay wataan rag tiro yar oo katirsan Saxiixayaasha Road-mapka kuwaa oo la sheegay Shaqsiyaad in ay ku shabadeenayaan in Dambiilayala Dagaal yihiin
Waxa ayna si kul uga soo horjeesteen Beesha Hawiye iyo Hogaamiyaashii Kooxaha ee Magaalada Muqdisho iyo gobolaad Dalka lagu tilmaamo xiligan in ay yihiin Dambiilayaal Dagaal taa ay ku sheegeen in ay tahay Gaf.
‘’Waxaa layaab ah in Hogaamiyaashii Kooxaha iyadoon Maxkmaad la saarin Dacwana lagu soo oogin in lagu Tilmaamo oo la yiraahdo dambiilayaal Dagaal ,Dadkan qurbaha laga soo uruurshay iyagu ma maxkamad baa ‘’ayey yirahadeen Qaar kamid ah Odayaasha Hawiye.
Waxa ay sidoo kale wax laga xumaado ku tilmaameen in rag Dambiilayaal dagaal ahaa dad badana laayay in la sharfo oo Geesi laga dhigo Garoon Diyaaradeedna loogu magac daro, raga kalana lagu tiriyo Dambiilayaal Dagaal ayuu yiri mid kamid ah Dhalinta Beesha Hawiye.
Hogaamiyaasha Kooxaha Soomaaliyeed ayaa qaarkood waxa ay sheegeen in loo heesto arimo siyaasadeed ayna jirin wax dambi dagaal ah la yiraahdo arintaasna ay ka dambeeyaan Shaqsiyaad lacago la siiyay.
Dhinaca kale Mustaqbalka Hogaamiyaashii Kooxaha ayaa mugdi galeysa hadii laga dhabeeyo diidmada loo diidan yahay in ay Baarlamaanka kamid noqdaan ,taa oo Mustaqbalka ku marqaati furi doonto hadii aysan hada ka hortagin in Dambiilayaal Dagaal yihiin.