Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi Raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa ka hadlay Khilaafka iyo muranka ka taagan Xubnaha ay gudiga Farsaamada ee Soo xulaya Baarlamaanka Soomaaliya u diideen in ay kamid Noqdaan Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya.
Madaxweyne Faroole waxa uu sheegay in muhiim tahay in la ixtiraamo Heshiisyadii kala duwanaa ee Saxiixayaasha gaareen ,sidoo kale Gudiga Farsamada u madax banaanyihiin in ay Baarlamaanka ka celiyaan dadka kasoo bixi waayay Shuruudaha la hordhigauy kamid noqshada Baarlamanaka Cusub ee Soomaaliya gaar ahaan Xagjiriinta iyo Hogaamiyaasha Kooxaha .
Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in raga la celiyay ay yihiin kuwii kasoo shaqeeyay bur burka iyo in Dalka uu Dowlad la’aan ahaado sidaa darteed muhiim tahay in laga reebo raga Hogaamiyaasha Kooxaha ee Dambiyada galay iyo Dadka xagjiriinta ah ayuu yiri faroole.
‘’kuwa u doodaya Dagaal oogayaasha iyo Xagjiriinta Baarlamanaka laga celiyay waa lamid iyagana ,waxana hada kujira Raga doodaya Madaxdii hore ee Dalka oo iyaga naftooda kamid ahaa Ragii dambiyada galay oo Magaca Maxaakiimta wax ku qaribay yimidna ilaa Gaalkacyo si ay u carqaladeeyaan Nabada Puntland ugana sii gudbaan Somaliland ‘’ayuu yiri Fraoole.
Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale sheegay in Maxkamada Sare ee Dalka in loo gudbiyo dacwada aheyd mid qaldan ,raga Doodaya ee Dambiilayaasha ahna ay Beelahooda in ay gudbiyaan lagu qasbayo ,waayo Beelaha dad fiican waa kujiraan kuwa Xuna waa kujiraan marka kuwa Fiican Baarlamaanka halagu daro ,kuwa kalana hala celiyo ayuu yiri’’ Fraoole.
Hadalka Faroole ayaa kusoo aadaya xili Dacwada ku aadan Xubnaha Baarlamaanka in ay kamid noqdaan laga hor istaagay dacwadooda loo gudbniyay Maxkamada Sare ee Dalka iyadoona Maalinta Berito ah Gudiga in ay yimaadaan Maxmakada looga yeeray hadii ay imaan waayaana go’aan Maxkamada soo saari doonto.