Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa maanta Madaxweynaha cusub ee maamulkaasi u doortay siyaasiga Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii KMG ahaa ee dalka soomaray. Talihii hore ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa ku guuleystay doorashada xilka madaxtinimo ee maamulka Galmudug sadaxda sano ee soo socota. Goobta ay ka socotay doorashada ayaa waxaa soo buuxdhaafiyay boqolaal dadweyne ah waxaana xilka madaxtinimo Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid kula tartamayay Madaxweyne ku xigeenkii hore ee maamulka Galmudug C/samad Nuur Guuleed. Cabdi Xasan Cawaale ayaa helay 23 cod halka madaxweyne ku xigeenkii hore uu helay hal cod sidaa daraadeedna looga guuleystay xilka madaxtinimo ee maamulka Galmudug. Gudiga doorashada ayaa shaaciyay in xilka madaxtinimo looga guuleystay C/samad Nuur Guuleed waxaana go’aanka kama dambeysta ah ku dhawaaqay guddoomiyaha maxkamada Sheekh Axmed Sheekh Yuusuf isagoona sheegay in doorashada uu ku guuleystay General Qeybdiid.
