Allaha u Naxriistee Waxaa maanta Magaalada Muqdisho lagu aasay Cabdi Jeylaani Marshaale oo ahaa Majaajiliiste Caan ka ahaa gudaha iyo Dibada kaa ay xalay Kooxo naxariista ka guurtay ku toogteen Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir. Aaska Marxuunka ayaa ka dhacay xaafada Afisyooni ee Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.waxaana kasoo qeyb galay Boqolaal Dadweyne ah oo isugu jiray Fanaaniin ,Wariyaal Majaajiliistaal iyo Bulshada qeybaheeda kale. Aaska Marxuunka kadib ayaana goobtaasi loogu duceeyay Cabdi Jeylaani Marshaale oo ahaa nin bulshada aad u jecleed iyagoona ilaah uga baryay in janadiisa fardowso ka waraabiyo. Waxaan Goobta Aasku ka dhacayy lagu arkayay Fanaaniin iyo Majaajiliistayaal aad ay iskugu dhawaayeen Marshaale oo iska ilmeenayay kuwaa oo aad uga xumaa Dilka gardarada ah ee loo geestay Marshaale. Cabdi Muriidi Ajkis oo isaga oo ilmeenaya Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Marshaale gacan ka haqdaran dishay , waxa uuna xusay in xiligan Dilka kasoo wareegtay Wariyaasha una soo wareegtay Majaajiliistayaasha sida uu sheegay. ‘’Markasta oo Wariye ama Majaajiliiste la dilo dadka waxey ku weediihayaan Shaqada masii wadeysaa ,Dowladana waxey marksato oo la weediiyo tiraahdaa baaritaan ayaa socda wa lagu daba jiraa ‘’ ayuu Ajakis isweediiyay. Allaha u Naxriistee Cabdi Jeylaani Marshaale oo ahaa Majaajiliiste can ahaa aadna loo yaqaanay ayaa ifka kaga tagay 5-Caruur ah oo kala ah 4-Wiil iyo gabar iyo sidoo kale Labo Xaas oo midood la sheegay in ay ku nooshahay Dalka Sacuudiga.





