Caruur saaka ku geriyootay Bum ay ku ciyaarayeen gudaha degmada Balcad

Monday, August 27, 20120 comments

Shan caruur ah ayaa saaka ku geeriyootay degmada Balcad tiro intaa ka badanna wey ku dhaawacmeen kadib markii caruurtaasi ay ku qaraxday Bum  ay ku ciyaarayeen.

Guddoomiyah gobolka Shabeelaha dhexe Cabdi Jiinoow Calasow ayaa Radio Muqdisho u sheegay in masiibadani ay saaka dhacday kadib markii koox caruur ah ay gudaha degmada Balcad kula qaraxday Bum Anti tangi ah oo ay meel ka soo qaadeen kuna ciyaarayeen.

Shan caruur ah ayaa ku nafweeysay qaraxaasi sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha oo intaa ku daray in dhaawacana uu ku dhawyahay ilaa Toban kuwaas oo qaarkood ay xaaladdoodu liidato.

Meelaha dagaalladu ka dhacaan ayaa inta badan waxaa lagu arkaa walxaha qarxa oo halis u ah in ay caruurtu ku waxyeeloobaan kadib marka ay ku ciyaaraan walxahasi oo aysan garaneynin halista ka dhalan karta.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog