Hogaamiyaashii Kooxaha ee loo Diiday in ay Baarlamaanka kamid Noqdaan oo Xiligan Xaadir ku ah Maxkamada Sare

Monday, August 27, 20120 comments

Xarunta Maxkamada sare ee Dalka ayaa hada waxaa Xaadir ku ah Rag badan oo kamid ahaa Siyaasiyiintii Dalka soo maray kana mid ahaa Dowladihii Dalka loo soo dhisay iyo Xubno kale loo diiday in ay kamid Noqdaan Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Maxkamada sare ee Dalka u gudbiyay qaadista dacwada Xubnaha loo diiday in ay kamid noqdaan Baarlamaanka Cusub kadib markii gudiga soo xulista Baarlamaanka cusub xubnahaasi ka hor istaageen kamid Noqoshada Baarlamaanka.


Labada la Gudoomiye ee Gudiga Farsamada ayaa Maxkamada Sare ee Dalka Maanta looga yeeray Maxkamada sare in ay hortagaan ayna ka hadlaan dacwadaha iyo eedaha ay usoo jeediyeen Xubnaha ay ka hor istaageen in ay kamid noqdaan Baarlamaanka Cusub .


Xubnaha Gudiga Farsamada ayaa diiday in ay Maxkamada hortagaan iyadoona Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Dalka Abu Kaate Caydiid Ilka Xanaf uu ilaa Maanta Gudiga Farsamada u qabtay in ay Maxmakada ku hor yimadaan hadii kale Maxmakada go’aan ka gaari doonto.


Hawa Waxaa Xarunta Maxmakada sare kusugan Qaar kamid ah Hogaamiyaashii laga hor istaagay kamid Noqoshada Baarlamaanka kuwaa oo sheegay in ay been tahay dacwadaha loo soo jeediyay arintoodana ay Siyaasad ka dambeyso.



Xubnaha kusugan Maxkamada waxaa kamid ah


Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya
.
Maxamed Ibraahim Xaabsade , Wasiir Hore

Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Finish) Wasiir Hore

Cabdi Casiis Sheekh Yuusuf ,Wasiirkii Caafimaadka ee Xukuumadii hada dhacady ee C/Wali Gaas Hogaaminayay


Iyo Xubno kale oo Masuuliyiin ahaa kana mid aha Hogaamiyaashii Kooxaha ee Dalka kuwaa oo hada kusugan Maxkamada kana dhooraya Xukunka ay Maxkamada ka gaarto dacwadooda ,iyadoona uu goobta kusugan yahay Qareen u doodaya Xubnahan la heesto.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog