Akhristayaasheena Sharafta leh waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa Sawirrada Ciidammo gaaraya ku dhowaad kun Askari oo dhowaan tababar loogu soo xeray xerada Jasiira ee duleedka magaalada Muqdisho.
Ciidammadan oo iyagu horey tababar ugusoo qaatay dalka Ugandha ayaa waxaa tababarka usoo xeray Ra’isulwasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Xuseen Carab Ciise oo uu wehliyo Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini waxaana qorshahan uu qeyb ka yahay qorshe guud oo ay Dowladda dib ugu dhiseyso Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya.









