Inkastoo muddo shan maalmood ay ka harsan tahay waqtiga ay dhaceyso Dowladda KMG ayaa waxaa ku sii xoogeysanaya Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha khilaaf isu far-taagid ah, iyadoo dhinac walba uu soo qaadanayo awood sharciyadeed oo ku wajahan hadba go'aanka uu cuskaday.
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa si cad u sheegay in Xukuumada wax shaqo ah ku laheyn inay ka hor-timaado magacaabista degmooyinka, isagoo carabka ku dhajiyay mar hadii Ra'iisul Wasaaraha musharax yahay go'aankada Xukuumada aanay wax saameyn ah laheyn.
Ra'iisul Wasaare Gaas oo sida nidaamka dowliga yahay inuu ugu horeyn is casilo inta uusan ku dhawaaqin musharaxnimadiisa, ayaa xaalka sii adkeeyay, isagoo wareegto ka soo baxday Xafiiskiisa mar kale ku tilmaamay sharci daro inay yihiin degmooyinka la magacaabay, dalacsiinta saraakiisha ciidamada iyo xilalka kale.
Hadabada Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha oo nuqul ka mid ah na soo gaaray ayaa sidan u qorneyd:-