Daaawo Muuqaal Ahaan "Soomaali Careysan oo Qaxooti ku ah Dalka Holland oo Bustayaashooda hor dhigtay Xarunta Wasaarada qaxootig"

Sunday, August 5, 20120 comments


Soomaali careysan oo qaxooti ku ah dalkaas Holland ayaa waxaa la sheegay inay hor dageen oo ay bustayaashooda hor dhigteen xarunta wasaarada qaxootiga( Immigratie en Naturalisatiedienst) ee magaalada Den Bosch ee dalkaas Holland ayagoona ay Soomaalidaas ka careysan yihiin ka dib markii sharci looga diiday dalkaas Holland islamarkaana loo sheegay inay dib ugu noqdaan dalkooda.
Soomaalidaan oo tiradooda lagu sheegay inay ku dhowdahay ilaa iyo boqol qofood ayaa waxay yihiin kuwo dacwadooda la xirey islamarkaana loo sheegay inay dalkooda dib ugu laabtaan, laakiin banaanbaxyo iyo cabashooyin ay sameeyeen oo ay ka mid ahayd inay sanadkii hore iyo bishii Juun ee sanadkaanba ay hordegeen oo ay teendhooyin ka hordhisteen xarunta qaxootiga lagu qaabilo ee magaalada Ter Apel dalkaas Holland ayaa waxaa la sheegay in Soomaalidaas la dejiyey xero qaxooti oo ku taal magaalada Vught laakiin qaxootigaas ayaa waxaa la sheegay inay xeradaas aysan ku qabin wax xoriyad ah iyadoona ay tahay inay mar walba is xaadiriyaan arintaas oo ay Soomaalidaas ka biyo diideen xornimo la'aanta ay ku jiraan iyo kontroolka joogtada ah ee lagu haayo oo ay Soomaalidaas ku tilmaameen inay ku jiraan xabsi, iyadoona sidoo kale ay maxkamada ugu sareysa dalka Holland ay ka hortimid in Soomaalidaas wadankaas laga musaafuriyo maadaama ay maxkamadu sheegtay in waqtigaan xaadieka ah ay Soomaaliya tahay meel aan nabadeeda la isku haleyn karin islamarkaana aan qaxooti dib loogu celin karin dalkaas xilligaan la joogo sidaas awgeenaa ay tahay in Soomaalidaas la dajiyo dalka Holland.

Ugu dambeyntiina iyadoo Soomaalidaas ay wali jiifaan marshabiyeediga xaruntaas qaxootiga islamarkaana wadahadal ay yeesheen saraakiil ka tirsan heyada qaxootiga aysan wax mira dhal ah ka soo bixin ayey Soomaalidaas waxay sheegeen inay halkaas ku sugnaan doonaan ilaa arintooda wax laga qaban doono, Goobtaas ay Soomaalidu ku sugneyd ayaa waxaa iyagana soo camitay Ciraaqiyiin la mid ah Soomaalidaas oo ayagana loo sheegay inay dalkooda ku noqdaan, Wasiirka qaabilsan arimaha qaxootiga ee dalka Holland Gerd Leers ayaa u sheegay Soomaalidaas in hadii ay dhibsadeen habka iyo noloshada xeradaas ay si iskood ah ay dib ugu laabtaan dalkooda ay ka yimaadeen hadii kalese ay ku noolaadaan xeradaas, Sidoo kale ayaa kusimaha duqa magaaladaas ay Soomaalidu degtay Geert Snijders ayaa waxaa uu sheegay inaysan wali wax cabasho ah aysan ka soo yeerin Soomaalidaas ku sugan goobtaas oo ayna xaaladuna tahay mid caadi ah oo degan.

Halkaan ka Daawo Muuqaal Ahaan Yaabka Dhacay
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog