Daawo Muuqaal Ahaan Cabdi Bille Cabdi oo iska ilmeeyay diidayna in ilmada laga tiro murugo darteed

Saturday, August 11, 20120 comments

Rug cadaaga orodka Soomaaliya Cabdi Bile Cabdi munaasabad loogu sameeyay Magaalada London ee Caasimada dalka Inigriiska ciyaartooyda sanadkaan Soomaaliya u oraday ee Zamsam Max’ed Faarax iyo Max’ed Xasan Max’ed Teeyoow ayaa waxa uu ka jeediyay hadal ruuxii maqlaa ay ilimo soo dhaafeyso.

Orodyahanka Caanka ah ayaa marka hore waxaa uu soo hadal qaaday halka ay ku danbeeyeen ciyaartooydii tartanka Olympic-da hadda socda kii ka horeeyay Soomaaliya uga qeyb gashay kaa oo ka dhacay Magaalada Beijing ee caasimada dalka Shiinaha.


Waxa uu weeydiiyay dadkii munaasabadda ku sugnaa su’aal ahayd yaa ii sheegi kara halka ay ku dambeeyaan Ciyaartooydii Soomaaliya ma tashay Ciyaarihiii Olompicada Beijing?

Asigoo ka warcelinaya su’aasha dadka uu weydiiyay ee jawaabta loo waayay ayaa waxa uu yiri halyeey Cabdi Bile Cabdi.

“Gabadhii Soomaaliya matalaysa Ciyaarihii Beijing Saamiya iyada oo liibiya Doon ka raacdaybay dhimatay Allaha u naxariistee, la isma weydiin Afarsano ka hor Calanka ayey inoo siday sidoo kale wiilkii waxaa la ii sheegay inuu ku xanuunsan yahay Muqdisho”


Orodyahanka Cabdi Bile Cabdi oo indhihiisa ay ka qubaneysay ilimo ayaa waxa uu sheegay in kaalinkii bulshada Soomaaliyeed laga doonayay inay u ciyaaraan da’yartii Soomaaliya u matashay tartankii Olmpica-da adduunka ee Shiinaha lagu qabtay aysan dhicin, waxaana uu shacabka ku booriyay in ay xasuus waqtigan sameeyaan.

Sidoo kale Orodyahanka oo ilmada hakin waayay ayaa waxaa u soo istaagay qaar ka mid ah martidii munaasabadda goob joogga ka ahaa kuwaas oo isku dayay inay ilinta ka tirtiraan Cabdi Bile Cabdi , hasayeeshe kama uu san yeelin oo waxa uu ahaa ruux ciishooday waxa uuna yiri.
“maya maya iska dhaaf iska dhaaf, waad mahadsan tahay, ma jeclayn inaan dis mooral idinka dhigo, meel wanaagsan baad ku jirteen laakiin wanaagga waxaa keenaya markii sax la yahay, wixii saxdaana lahaysto wixii saxdaana la sameynayo”

Marka ay timaado in tartan loo anbabaxo ayaa sheekada waxa ay taxano ahaata inta tartanka uu dhacayo wixii waqtigaa ka danbeeyana waxaa sii yaraata hadal hayntii badnayd, waxaa .soo afmeerma hanka iyo hamigii loo hayay ciyaartooydii, wixii xilligaa ka danbeeyana dhib iyo dheef halyeeyada lalama wadaago.


Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog