Orodyahanka Mohamed Farah oo ku guuleystay Orodka 5.000 (Daawo Sawirada)

Sunday, August 12, 20120 comments

Mohamed Faarax oo ah 29-jir asal ahaana kasoo jeeda Soomaaliya hasa ahaatee u orda Briatain ayaa caawa mar kale ku guuleestay orodka 500-ee Mitir.

Mo Farah ayaana kaalinta koowaad ka galay Orodka 5000-ee Mitir isagoo horey ugu ugu guuleestay Orodka 10,000 ee Mitir .


Waxa uuna Caawa Mo Farah farqaha ku ritay Biladii labaad oo Dahab iyadooan guusha Caawa Mo Farah gaaray ay aad ugu farxeen Shacabweynaha Soomaaliyeed iyo Shacabka kunool Britain uu magacooda ku ordayay.


Sacab iyo sawaxan badan oo lagu taageerayay Mo Farah ayaa garoonka mar qura isqabsaday markii uu ku guuleestay orodka 5,000, isagoona dareenkiisa mar uu ka hadlay Mo sheegay in aad ugu faraxsan yahay in caawa uu mar kale guul taariiqi ah ka gaaro orodka.


Shacab Weynaha Soomaaliyeed oo taageero weyn u ah Mohamed Farah oo loo yaqaan Mo ayaa iskugu hambalyeenayay Guusha uu caawa mar kale ka gaaray Tartanka Olombikada Aduunka ee heer gabo gabo ah marayo kana socda Magaalada London ee Cariga Britain








 
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog