Daawo Sawira Ra’isul wasaraha dalka oo maanta la kulamay wafdi uu hogaaminayay ra’isul was are ku xigeenka dalka Ireland

Sunday, August 5, 20120 comments

Ra’isul wasaraha dalka ayaa maanta la kulamay wafdi uu hogaaminayay ra’isul was are ku xigeenka dalka Ireland. Mr Eamonn Gilmore ra’isul wasaare ku xigeenka dalka Ireland oo maanta soo gaaray magaalada Muqidsho ayaa kulanka uu la qaatay ra’isul wasaaraha Soomaliya waxaa goob joog ka ahaa xubno katirsan golaha wasiirada Soomaaliya waxaana ay labada masuul kawada hadlayeen arimo ku saabsan xaalada labada wadan. Mudane C/wali Maxamed Cali ayaa ra’isul wasaare kuxigenka Ireland waxa uu uga waramay xaaladaha siyaasada, caafimadka, gargaarka bina’adanimo ,waxbarashada iyo arimo kale oo dalkan ku saabsan iyadoo masuuliyiinti Ireland oo uu hogaaminayay ra’isul wasaare kuxigeenka dalkaasina ay raisul wasaraha Soomaaliya iyo xubnihi golaha wasiirada uu lakulmayna uga waramay siyaasada airland iyo waxyaabaha ay rabaan inay Soomaaliya ka qabtaan. Kulankooda marki uu soo gaba gaboobay ayey warfidiyeenka si wada jir ah ula hadleen labada masuul ugu horeyna mudane C/wali Max’ed Cali Gaas wasiirka koowaad ee dalka ayaa ka warbixiyay wada hadalki dhex maray isaga iyo Mr Eamonn ra’isul was are kuxigenka Ireland Mr Eamonn Gilmore kuxigeenka raisul wasaraha Ireland ayaa sheegay in lacag kor u dhaafeysa 2 milyan oo doolarka mareykanka ah ay ugu talagaleen gargaarka bin aadanimo ee Soomaaliya ayna marsiin doonaan hay’adaha gargaarka QM. Dowlada airland oo katirsan midowga yurub ayaan horay uga dhex muuqan xaaladaha wadanka Soomaaliya iyo u soo gurmashada dadki dhibaateysnaa ee abaartu saameysay iyadoo imaanshaha Eamonn Gilmer ee maanta ay masuuliyinta uu la kulmay ku macneeyay in ay tahay mid kor u qaaddeyso xiriirka Soomaaliya oo aysan aheyn mid siyaasadeed wax ayna balan qaadeen masuuliyinta maanta Muqdisho timid ee ra’isul wasaraha uu lakulmay ay ku dhawaaqeen inay Soomaaliya uga deeqeen 3-milyan oo dolarka mareykanka taas oo ay marsiin doonaan hay’adaha gargarka ee QM.
xigasho Radiomuqdisho.net
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog