Daawo sawirada isbedal dhinaca amaanka ah ayaa laga dareemayaa magaalada muqdisho

Sunday, August 5, 20120 comments

Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa mudooyinkii ugu dambeeayay waxaa ka muuqanayay isbedal dhan waliba ah sida ammaanka,ganacsiga dhismooyinka cusub iyo dayactirka meelha ugu muhiimsan caasimadda Muqdisho ee ku burburay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka. Marka aad Marto Waddooyinka waawayn ee caasimadda Muqdisho ayaad ka dareemeysaa ciriiri iyo dad hor leh oo dhismayaal ganacsi ka dhisanaya magaalada iyadoo si aan kala jogsi leheyn ay gaadiidka Raaxada u buux dhaafiyeen wadooyinka waaweyn ee magaalada oo markii waddooyinka ay ku yaraadeen xitaa jid caddayaashi isku xirmaya in kastoo ciidamada ilaalada waddoyinka ay ku howlanyihiin sidii ay u kala furdaamin lahaayeen Zaxmadda iyo ciriiriga ka jira waddooyinka magaalada. Marka la barbar dhigo sanad ka hor sida ay xaaladda magaalada aheyd ama hadii si kale an u dhigo marka aad dooneysid in aad ku socoto wadad Maka Al Mukarama waxaa wadadaasi kaga gudbi jirtay wax shan daqiiqo ka yar laakiin hadda xaalada wa ay ka badalantahay waxaana mararka qaar kaga gudbieysaa wax aan ka yareen hal saac waxaana sabab u ah dadka faraha badan ee dib ugu soo laabanaya magaalada Muqdisho Marka lag soot ago ciriiriga wadooyinka Muqdisho ka jira waxaad arkeysaa mashquul kale oo ka jira magaalada kaas oo ah in qof walba uu dib u dhisanayo gurigii ama daartii ganacsi ee uu lahaa,waxaase ka sii daran tartanka kale ee u dhexeeyay shirkadaha ganacsi ee ka howlgalada dalka. Arinka waa arin farxad galinaya muwaadin kasta oo jecel in uu isbadal ku yimaado dhawaqii xumaa ee ka soo gaari jiray dalka ee la xiraaray dhimashada,dhaawaca iyo dagaalada qabaa’ilka ku saleysnaa balse haatan siyaasiyiinta iyo dadeynaha Soomaaliyeedba waxaa ay u jiheysteen dhinaca hormarka.
sawiradaan waxaan ka soo xiganay Radiomuqdisho.net
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog