Banaan bax balaaran oo ay dhigeen Beelaha Banaadiriga Soomaaliyeed ayaa Muqdisho ka dhigay banaanabax ballaaran oo ay kaga cabanayeen in ay mar kale dib ugu soo noqdaan qaar ka mid ah Xildhibaanadii hore ee beelaha banaadirga.Banaan-baxaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Waxgarad ka tirsan beelaha banaadiriga oo isugu jira Culimaa'uddiin, Odyaasha Dhaqanka,Siyaasiyiin, Dhallinyaro iyo Haweenka ku abtirsada Beelaha Banaadiriga Soomaaliyeed,iyadoo uu banaan-baxaasi ka hadlay Guddoomiyaha Midowga Dhallinyarada Beelaha Banaadiriga Muddane Cumar Shariif Jeeg oo yiri"Beelaha Banaadiriga waxaay ka cabanayaan Musuq-maasuq lagu sameeyey kuraastii Baarlamaanka Cusub, waxaana Dadka Reer Banaadiriga ay yihiin kuwo dulman oo aan xor u aheyn inay aayahooda ka tashadaan, markastaana la duudsiyo xuquuqdooda ilaa iyo dowladdii Carta waxaa jira dad Xildhibaano noo ahaa oo aan Beelaha Banaadirigadirsan,waxaana nalagu duudsinayey xuquuqdeyna muddo fog ilaa haatan way ina taba taagan yihiin kuwii na boobayey" ayuu yiri Cumar Shariif. Dhinaca kale Guddoomiyaha Midowga Dhallinyarada Beelaha Banaadiriga ayaa ka dhawaajiyey haddii dowlad aan talo ku lahyen haddaanu nahay dadka reer banaadir la soo dhiso in aanan aqoonsan doonin waxaan soo jeedinayaa in cadaaladda lagu saleeyo xubno qeybsiga iyo beelaha soomaaliyeedna laga qeyb geliyo haddanu nahay dadka reer banaadir waan dulmanahay mana qaadaneyno dulan intaa ka badan carte ilaa hadda waxaan u soo jeednaa inaan xaqeena la duudsin mar danbe,walaalayaal waa maalin ramadaan qofkastaa xuquuqdiisa waa in la siiyaa dad islaam ah baanu nahay dad Soomaaliyeed baanu nahay walaalayaal xaqeena yaan la iibasan, yaan la dhicin, yaan nala duusin baan leeyahay, waxaan odyaashii xuquuqdeyna noo soo dhicin lahaa yihiin kuwa banaan joog ah oo aan lagu darin kulanka odayaasha dhaqanka soomaaliyeed waxaan maqleynaa in xuquuqdeyna la iibsanayo waxaa ogaataan in reer banaadir oo aan dagaal lagu aqoon inuu ka dagaalami doono hadduu waayo xuquuqdiisa,haddii xildhibaanada hore la soo nqona aanan la shaqeyn doonin Dowladda cusub ayuu yiri Cumar Shariif banaan-baxaan ayaa imaanaayo xili ay soomaaliya gali rabto marxalad cusub, soomaaliya hada waxay isku diyaarinaysaa in ay dowlad cusub soo dhisato.



